4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Shir Wadatashi ah oo Maanta Dowladda Somalia iyo Puntland uga Furmay Garoowe (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Waxaa saaka xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka Somalia, kaasoo socon doono labo maalmood.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin isugu jira jirata xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil kala matalaya labada dhinac, furitaanka shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’rake iyo madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir ku-xigeenka dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland ayaa ka hdlay ujeeddada shirka wadatashiga ah ee u dhaxeeya Puntland iyo DF Soomaaliya wuxuuna sheegay in shirkan looga wadahadli doono arrimaha federaalka, heshiisyadii ay horay u galeen Puntland iyo dowladda dhexe ee Somali, barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo dhismaha ciidamada Qaranka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa isna dhankiisa sheegay in shirka aanu ahayn mid isla-xisaabtan ah balse uu yahay mid wada-tashi oo laba dhinac ay iskula eegayaan qodobada shirkanna ay ujeedkiisu taas tahay. Isagoo xusay in loo baahan yahay maalin kaddib inay guul kasoo baxdo.

“Puntland waa Hooyadii iyo Aabbihii Federaalka Soomaaliya, waxayna mar kasta diyaar u tahay ka shaqaynayta sidii shacabka Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa; waxaase dhacda in mararka qaar la yeehso aragtiyo kala duwan, taas ayaana sabab u ah in la isugu yimaado kulankan; waxaana kulankan qayb ka ah in la isku-dhaafsado maxaa imaan doona 2016-ka iyo dowaldnimada dhalanaysa waa noocee, marka waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah looga arrinsado, iska-waraqab joogto ahna la yeesho,” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo si rasmi ah u furay shirka wada-tashiga ah ayaa labada guddi kula dardaarmay inay si qoto-dheer uga hadlaan qodo-bada shirka; si la iskula meel-dhigo arrimaha federaalka, barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo qodobada kale ee laga hadli doono inta uu shirkan socdo.

“Haddaan nahay madaxda dowladda federaalka Somalia waxay mas’uuliyad naga saaran tahay inaan wada-tashiyo dheeraad ah kala yeelanno cid kasta oo uu khuseeya Hiigsiga 2016-ka, si loo helo dastuur loo qaaday afti dadweyne iyo in la helo dib-u-heshiisiin Qaran oo gaarta gobolada iyo degmooyinka dalka. Wada-xaajood walba oo la yeesho wuxuu u baahan yahay dulqaad, is-faham iyo isku-tanaasul, waxaan rajaynayaa inuu is-faham iyo heshiis kasoo baxo shirkan,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dhismaha ciidammo Qaran xukuumadu waxay u saartay guddi ay hoggaaminayso wasaarada gashaandhigga waana inaan aragti mideysan ka yeelanno dhismaha ciidan Qaran, waa inaan helnaa ciidammo Qaran oo karaamadii iyo sharfta Somalia soo celiya, dalkana gaarsiiya horumar amni.”

Furitaanka shirkaan ayaa imaanaya kaddib markii Ra’iisul Wasaare Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gareen shalay oo Jimco ahayd xarunta Puntland ee Garoowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya