4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
MAAREEYE: Dowlada Shiinaha waxay diyaar u tahay in mashaariic ay ka Fuliyaan Soomaaliya


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtian oo ay ka wadahadleen sii xoojinta xiriirka labada dal & sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliya oo ay ku jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan dowladda. Maareeye ayaa yiri. “Dowladda Shiinuhu waxay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka fuliso mashaariic horumarineed.”

Maareeye ayaa warbixin kooban ka siiyay danjire Wei Somalia iyo horumarka dowladda ay maalin walba ku talaabsanayso. Sidoo kale wuxuu ka siiyay warbixin istraatejiyada warbaahinta dalka iyo barnaamijka xoojinta xiriirka hay’adaha dhexdooda iyo caalamka. Isagoo ka codsaday danjiraha in Shiinuhu ay dhisaan Tiyaatarka Qaranka si bulshadu ay u hesho wacyi-gelin.

Danjiraha Shiinaha ayaa soo dhaweeyay waxqabadka dowladda Somalia iyo horumarka joogtada ah. safiirka ayaa ballan-qaaday in Shiinaha ay ka go’an tahay sidii dib u dhiska Somalia ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen, isla markaasna ay qorsheynayaan dayac-tirka xarumihii ay Shiinaha uu horay uga dhisay Somalia, sida Tiyaatarka, Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho iyo goobo kale oo muhiim ah.

Safiirka Shiinaha ee Somalia ayaa heshiis maal-gashi iyo taageero dhawaan la saxiixday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, kaasoo ay ay Shiinuhu ugu deeqeen Soomaaliya lacag gaareysey 13-milyan oo doollar.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta Somalia ayaa uga mahad-celiyay safiirka Shiinaha da-daalkiisa ku wajahan taageerada Somalia iyo inuu safiiradii Shiinaha ka furay Muqdisho oo ay shaqeynayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya