4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidanka Kenya ay baxayaan marka la gaaro Sanadka 2017


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii shalay markii ugu horreysay shaacisay in laga yaabo in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka baxayaan Koonfurta Somalia sannadka 2017-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Hadliye Cumar oo isagoo ku sugan magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in qorshaha ay ku baxayaan ciidamada AMISOM uu yahay mid salka ku haya heshiis uu horay u saxiixay ururka Midowga Afrika.

Hadliye ayaa sheegay in ciidanka Kenya tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii ay wadeen howlgallo ay dalka ku xasilinayaan, isagoo rajo ka muujiyay in labada sano ee soo socda ay ku filan tahay in dib loo dhiso ciidamada dowladda Somalia, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli ay mucaaradka Kenya codsanayaan in ciidamada Kenya laga soo saaro gudaha Somalia, iyagoo xusay in joogitaanka ciidamadooda gudaha Somalia u sabab u yihiin weerarrada ka dhacaya gudaha Kenya.

“Dhallinyarada ragga iyo dumarka ah ee ka socda dalka Kenya waxay u dhimanayaan inay xoreeyaan Somalia. Mana habboona in xilligan laga saaro Somalia, balse ma uun ayay dhici doontaa inay ciidamadan ku laabtaan dalkooda Kenya,” ayuu Hadliye yiri.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya aan loo arki karin kuwo qaab gumeysi ku jooga Somalia. Isagoo xusay inaysan Kenyaanka u haboonayn inay ku fikiraan in haddii ay ciidamadooda kala baxaan Somalia inay ka bad-baadi doonaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab.

Ugu dambeyn, hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo isbahaysiga ODM ee mucaaradka Kenya uu ku baaqay in ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya