4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Howlgal Maanta lagu Qabtay Xubno ka Tirsan Al-shabaab & Wariye lagu Dhaawacay Muqdisho


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Howlgal ay ciidmada nabad-sugidda Soomaaliya maanta ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayay kusoo qabteen kooxoo ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare, iyadoo isla maanta lagu dhawaacay Muqdisho wariye ka tirsan warbaahinta dowladda Somalia.

Ciidamada Sir-doonka Soomaaliya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen mid ka mid ah hoteellada ku yaalla Suuqa Bakaaraha, iyagoo halkaas kasoo qabtay sagaal ruux oo ay ku sheegeen inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Xubnaha lasoo qabqabtay waxaa ku jira sida saraakiil sirdoonka ay u sheegeen warbaahinta Muqdisho qaarkood sarkaal sare oo ay baadi-goob ku hayeen, kasoo ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsanaa howlgallada ay ka fuliso Muqdisho, halka sideedda kale la sheegay inay yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta sir-doonka ayaa diiday inay sheegaan mgaca sarkaalka ay kusoo qaabteen howlgalkii maanta, balse waxay sheegeen inay la wareegeen hoteelkii ay raggaan kusoo qabteen iyo hoteel kale oo lala leeyahay oo ku yaalla isla gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, wariye ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa gellinkii dambe ee maanta waxay kooxo hubeysani ku dhaawaceen xaafadda Kaaso-bobolaare ee degmada Hodan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ.

Ururka NUSOJ ayaa warkiisa ku sheegay in kooxahan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay shan jeer toogteen wariye, Farxaan Saleebaan Daahir oo ah sawir-qaade ka tirsan idaacadda dowladda Soomaaliya.

“Kooxaha weeraray wariyaha waxay toogteen shan jeer,” sidaa waxaa Ururka NUSOJ u sheegay wariye kale oo lagu mgacaabo Xuseen Aadan Ibraahim, isagoo intaas ku daray. “Laba xabbadood waxay kaga dhaceen laabta, labada gacmoodna waxaa uga dhacday laba xabbadood oo sababay jab iyo xabbad madaxa kaga dhacday.”

Wariye Xuseen ayaa hadalkiisa ku daray in suxufiga la dhaawacay qalliin lagu sameeyay haddana ay xaaladdiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay, wuxuuna ku jiraa Isbitaalka Madiin.

Ugu dambeyn, xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim ayaa yiri. “Waanu cambaareynaynaa weerar ka dhan ah suxufiyiinta Soomaaliyeed. Kooxihii weerarka wariye Farxaan geystayna waxaan dalbanaynaa inaysan baxsan oo sharciga la horkeeno, waxaana wariyaha u rajeynayaa caafimaad dhaqso ah.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya