4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Shariif Xasan oo Xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Madaxtooyada Koonfur-Galbeed (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Munaasabad Xarigga looga Jarayay Madaxtooyada cusub ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Somalia ayaa maanta lagu qabtay madaxtooyada cusub ee mamulkan, iyadoo ay kasoo qayb-galeen xafladdan Wasiirrada Koonfur-galbeed, nabaddoonnada Koonfur-galbeed, maamulka gobolka Bay iyo kan degmada iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xarigga ka jaray madaxtooyada, wuxuuna sheegey in tani ay tahay hormar billow ah; isla markaana ay sii socon doonaan wax-qabadyada maamulka Koonfur-galbeed.

Amniga Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay maanta, iyadoo waddooyinka waa-weyn ay joogeen ciidamada booliska iyo ciidamada milateriga dowladda  Somalia eek ka howlgala gobolka Bay.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa sheegey inay wax ka qaban doonaa dhinacyada amniga iyo baahida bulshada sida waddooyinka, waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha guud ee dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda furitaanka madaxtooyada cuusb ee maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan Max'ed Xuseen Isaaq (Afaraale) iyo guddoomiyha ururka haweenka ee gobolka Bay, Muraayo Maxamed Deer.

Hiiraan Online, Baydhabo