4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Mareykanka oo sheegay in dalka Cuba uu ka saarayo liiska Dalalka Taageera Argagaxisada


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda Mareykanka iyo Cuba ayaa markii ugu horreysay kulan ku yeeshay dalka Panama oo ay ku joogaan booqabo, kulankan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan wasiirro dibadeedyo Mareykan iyo Cuban ah.

John Kerry iyo Bruno Rodriguez ayaa kulan albaabbadu u xiranaayeen yeeshay, iyadoo kulankan uu hordhac u yahay kulanka dhex-maraya Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo kan Cuba Raul Castro, kaasoo ka dhici doona Panama.

Barack Obama iyo Raul Castro ayaa la filayaa in kulankooda uu maalmaha soo socda ka furmo caasimadda Panama, iyagoo labaduba ay ka qayb-geli doona shirweyne ka furmaya dalkaas.

Sidoo kale, Obama ayaa ka sheegay dalka Jamaica oo uu ku joogo booqasho in Cuba laga saarayo liiska dalalka taageera argagaxisada, isagoo intaas ku daray in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay xilligaan ku howlan tahay arrintaas, haddana ay gabo-gabo maryso.

Mudanaha laga soo doorto gobolka Maryland, Ben Cardin oo ku jira guddiga Senatarrada xiriirka arrimaha dibadda ee Mareyaknk ayaa xaqiijiyey inuu guddigoodu ku talo-bixiyay in liiskaas dalalka taageera argagaxisada laga saaro dalka Cubo; lana billaabo bog cusub oo xiriir ah.

Xilliyadii ugu dembeeyay ayaa waxaa jiray dadaal ay Mareykanka iyo Cuba ku doonayaan inay dib ugu soo cusbooneysiiyaan xiriirkoodii, kaasoo go’ay muddo hadda laga joogo 50-sannadood.

Ugu dambeyn, Mareykanka iyo Cuba ayaa 50-kii sano ee u dambeeyay uusan u dhexeyn cilaaqaad wanaagsan, kaddib markii labada waddan uu soo dhex-galay khilaaf, iyadoo uu midba kan kale eedeymo u jeedinayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya