4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
TUUR-YARE: Waxaan haynaa LIISASKA xubno & shirkado taageero u Fidiya Kooxda Al-shabaab


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Taliyaha hay’adda nabad-sugidda Somalia, C/raxmaan Maxamed Tuur-yare oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan shaqsiyaad iyo shirkado ka howlgala Soomaliya oo dhaqaale taageera Xarakada Al-shabaab.

Jen. Tuur-yare ayaa intaas ku daray inay muddo bil gudaheed ah kusoo bandhigi doonaan magacyada shirkadaha iyo shaqsiyaadka taageera Al-shabaab lana horgeyn doono sharciga.

“Waxaan haynaa liisaska shirkado & shaqsiyaad taageera Al-shabaab, xilliga munaasabka ah yaana idiin soo bandhigi doonnaa. Waxaadna arki doontaan inaan shirkadahaas gacanta kusoo dhigno oo aan soo bandhigno,” ayuu yiri Tuur-yare.

Isagoo sii hadlaya taliyaha ayuu yiri. “Waan ognahay shaqsiyaadka lacagaha iyo hubka u haya Al-shabaab, balse ma doonayno inaan hadda soo qabanno, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay dul-qaataan maalmaha howlgalada lagu soo qabanayo xubnahaas ay socdaan.

Sidoo kale, taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ballaaran ay sameyn doonaan maalmaha iyo billaha soo socoda, inkastoo uusan si cad u sheegin xilliga ay howl-galladaasu billaaban doonaan.

Taliyaha nabadsugidda ayaa dhanka kale baaq u diray warbaahinta Soomaaliya isagoo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan maslaxadda wadanka oo ay meel uga soo wada-jeestaan Al-shabaab.

“Warbaahinta waxaan leennahay dalkaan la idin kama xiro, mana kala lihidiin Warbaahin dowladeed iyo kuwo kale, marka waxaa la idin ka doonayaa inaad dalkiinna u shaqeynsaan oo aad isku duubnaataan marka lala dagaalamayo Al-shabaab,” ayuu C/raxmaan Tuur-yare mar kale yiri.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dalalka Somalia oo kale ah oo ay coladuhu ka jiraan ama soo maray ay warbaahintooda iyo madaxdoodu u midoobeen cadowga ay la dagaalamayaan noocuu doono ha ahaadee, sidaa oo kalena looga baahan yahay Somalia inay u midowdo.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia ay sheegto inay jiraan shirkado iyo xubno taageero u fidiya Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya