4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Maanta soo Gaaray Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee xiligan haya talada Somaliland, Muuse Biixi iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Siyaasiyiinta iyo Garaadadu waxay nagu xantaan inaan Somalia kala goynayno... innagu ma kala goynayno haddaanu nahay Somaliland waanu jecel nahay in Somalia ay hagaato, waxaanse jecel nahay inaan wax isla fahano,” ayuu yiri Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood.

Muuse Biixi oo la hadlayay Tageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa wuxuu uga sheekeeyay waqtigii xorriyadda, isagoo yiri. “Garaad Cali buu ahaa ninkii yiri yaynaan deg-degin ee aan maamulkeenna dhisanno, kuwa diidanaana inaga ayaan ahayn; maantana waxaan leeyahay ku celinayaa Garaadku uu horay u yiri.”

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday wixii uu magaalada Laascaanood ka qabtay xillligii ay talada hayeen. Isagoo xusay inaysan xilligan jirin wax ay reer Sool ku diiddan yihiin Somaliland ku oo maanta la isku qasban yahay.

Sidoo kale, Yaasiin Maxamed Shidde oo ah guddoomiyaha gobolka Sool oo munaasabada lagu soo dhaweeyay wafdiga ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan waxqabad badan oo laga qabtay Laascaanood, balse uu ku celinayo in ay dhibaato ku qabaan biyo la’aan; waxaanu ku adkaystay in taas wax laga qabto, wax kale oo ay dalbanayaanna aysan jirin.

Qaar mid ah waxgaradka reer Laascaanood oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay inay tabayaan waxqabad la’aan; inkastaoo ay qirayeen in wax laga qabtay magaaladooda.

Goobta kulanku ka dhacay oo ahayd Hotel ku yaala Bariga Laascaanood ayaa dadkii goob-joogga ka ahaa waxay dhaliileen hadallo qaybo ka mid ah weftiga ay jeediyeen, kuwaasoo dadka deegaanka loogu gafay oo aan ahayn kuwo ku habboon in goobta laga sheego.

Si kastaba ha ahaatee; waftigan oo gaaray deegaanka Gan-badhe oo Bari Laascaanood ee gobolka Sool ku taalla oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Somaliland; ayna ka dhaceen shaqaaqooyin ciidamada dhexdooda ah, waxayna halkaas kaddib adeen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool