4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Wafdi ka baxay Shirka dhismaha Baarlamaanka Jubbaland oo soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Waxaa maanta si diirran Muqdisho loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Ugaaska Mareexaan, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo la socdaan odayaal-dhaqan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo.

Xubnaha wafdiga ayaa sheegay inay kasoo ambabaxeen Kismaayo kaddib markii ay u dul-qaadan waayeen faragelin lagu hayo shirka lagu soo dhisayo baarlamaanka uu yeelanayo maamulka KMG ah ee Jubbaland.

Wafdigan ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haween kasoo jeeda deegaannada uu matalo, waxaana shir jaraa’id oo ay gudaha garoonka ku qabteen ku sheegeen in sababaha ay shirka uga soo baxeen ay ka mid tahay in loo ogalaan waayay in si dhaqan waafaqsan loo qaybsado ergooyinka. Isagoo caddeeyay in beesha uu matalo ay isaga soo baxday shirkaas; aysana wax ka qaybsan doonin baarlamaanka ay qorayaan xubnaha maamulka Jubba.

“Tan iyo markii Axmed Madoobe qabsaday Magaalada 2012-kii, shacabku waxay noqdeen bar-tilmaameedka koowaad ee ciidamada maamulkaas; waxaana Kismaayo lagu laayay dad boqollaal ah, arrimahaasna waa kuwo kasoo horjeedaan wixii aan ku fekeraynay ee ahaa shacabka Jubbooyinka in ay helaan nabad iyo horumar,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxaa Kismaayo caado ka noqotay wax aan dalka Soomaaliyeed wali laga arag taasoo ah in dadka lagu gubo koronto, isla markaana inta dadka la laayo lasoo dhigo xeebta taasina waa mid laga naxo oo argagax leh oo u baahan in Beesha Caalamka ku baraa-rugto waxna ka qabtaan.”

Dhanka kale, Ugaasku wuxuu sheegay in shacabka uu matalo laga dhigtay bartilmaameed gaar ah; iyadoo dadka la dilay ay ugu dambeeyeen ciidankii laga soo raray deegaanka Goob-weyn.

“Waxaan ka codsanaynaa dowladda Soomaaliya, ergayga xoghayaha guud ee QM, uruur-goboleedka IGAD iyo gud ahaan Beesha Caalamka inay ka digtoonaadaan baarlamaanka lagu soo dhisayo Kismaayo, kaasoo aysan beelaha Soomaaliya isku waafaqsanayn,” ayuu Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa.

Si kasta ha ahaatee, ma jirto wax jawaab ah oo uu arrintan ka bixiyay maamulka KMG ah ee Jubbaland, iyadoo hadalka Ugaaska uu imaanayo xilli ay dhawaanahan ay soo baxayeen cabashooyin ku aaddan shirka dhismaha baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo ka socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya