4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Sharma'arke iyo Wafdi uu Horkacayo oo Maanta gaaray Magaalada Garowe ee Puntland (Sawirro)


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeeyay magaaladaas.

Wafdiga RW Cumar ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiirka batroolka iyo macdanta, wasiirka xanaannada xoolaha, wasiirka dastuurka, wasiir-u-dowladaha gaashaandhigga, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanno iyo la-taliyayaasha ka mid ah kuwa wasaaradaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, dadweyne fara badan ayaa ku sugnaa waddooyinka Garoowe, kuwasoo watay calanka ra’iisul wasaaraha Somalia iyo caleemo qoyan, iyadoo amniga guud ee Garoowe si aad ah loo adkeeyay maanta.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Garowe waxay kulamo la qaadan doonaan hoggaanka Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas, C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ra’iisul wasaaraha DFS iyo madaxweynaha Puntland oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay yeelan doonaan kulamo looga hadlayo adkaynta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah iyo wada-tashi ku saabsan sida looga dhabayn lahaa Hiigsiga 2016-ka oo muhiimad gaar ah u leh dhamay-stirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xorah.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaan dhankiisa wax faahfaahin ah ka bixin safarka uu maanta ku tagay Garoowe, iyadoo safarkan uu noqonyo kii ugu horreeyay oo uu ku tago Puntland, tan iyo markii xilka RW-ha Somalia loo magacaabay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya