4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Hay’ado Gargaar oo Kenya ka dalbaday inay fasaxdo Xawaaladihii ay Toddobaadkan Xayirtay


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Hay’ado caalami ah oo howlaha gar-gaarka ka shaqeeya ayaa maanta oo Jimco ah ugu baaqay dowladda Kenya inay fasaxdo xawaaladaha Somalia ee ay maalmo ka hor xayiraadda saartay, si xayiraaddan aysan saameyn ugu yeelan xaalada bani'aadamnimo
ee ka jirta Soomaaliya.

Kenya ayaa Arbacadii lasoo dhaafay xayiraad kusoo rogtay 13 xawaaladood oo ka howl-gala Kenya iyo xisaabaadyada 86-qof oo Somali u badan, kuwaasoo ay ku eedeysay inay taageeraan Al-shabaabta Somalia oo weerar ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa Khamiistii toddobaadkii hore ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii .

Xawaaladaha ayaa ah tan ay Soomaalida dibadaha ku nool lacagaha u sii marsiiyaan ehel-ladooda gudaha dalka ku nool, iyadoo Somali aysan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe aan lahayn bangi shaqeeya.

"Mid ka mid ah saddexdii Qoys ee Somali ah ayaa sheegaya in haddii aysan helin inaysan awood u yeelan doonin inay iska bixiyaan cunnada ay ku nool yihiin, sidoo kalena aysan caruurtooda u diri karin iskuullada iyo inysan iska bixin karin daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah," ayaa lagu yiri qoraal ay wadajir u soo saareen 15 hay'adaha gargaarka ah oo caalami ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; ADESO, CARE, MERCY CORPS iyo OXFAM.

Iyagoo intaas ku daray. "Qoysaska Soomaaliyeed ma heli karaan meel kale oo loo marsiin karo lacagaha ay ehelladoodu dibadda uga soo diraan si ay ugu mareeyaan noloshooda."

Hay'ado badan oo kuwa gargaarka ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ayay ku yaallaan xafiis-yadooda dalka Kenya, iyagoo sheegay in xayiraada lagu soo rogay ay wiiqi doonto shaqada ay ka hayaan gudaha Soomaaliya.

"Hay'adaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya khatar ayay ku tahay xayiraadda lagu soo rogay xawaalahada oo ah meelaha sii mariyaan lacagta ay kula tacaalaan xaaladaha bani’aadamnimo ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale mashaariicda horumareed ee ay ka wadaan Soomaaliya,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka hay’aduhu ay soo saareen.

Ugu dambeyn, hay’dahan gargaarka ayaa qoraalkooda ku yiri. "Xayiraadda Xawaaladaha ay kusoo rogtay Kenya waxay ku qasbi kartaa hy’adaha gar-gaarka ka shaqeeya qaarkood inay joojiyan howlaha ay ka wadaan Somalia."

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya