4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Erdogan oo Dowladda Millateriga ah ee Masar ugu Baaqay inay sii dayso Madaxweynihii Hore


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Masar inay sii deyso madaxweynihii la soo doortay ee dalkaas, Maxamed Mursi, ka hor inta aysan xukuumadda Ankara dib u eegin soo celinta xiriirkii ay la lahayd Masar.

Turkiga iyo Masar ayaa xiriirkooda xumaaday markii hogaamiyaha milateriga C/fataax Al-Sisi uu afgambiyay madaxweynihii la doortay ee dalkaas oo ka mid ah xubnah ururkii Ikhwaanul Muslimiin.

Ciidanka ammaanka Masar ayaa qaaday howlgalkii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa islaamiyiinta, waxaana dibadbaxyo ballaaran oo dalkaas ka dhacay ku dhinteen boqolaal qof, halka kumanaan kale oo uu ku jiray Mursi iyo madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiinka xabsiga la dhigay.

“Maxamed Mursi ayaa ku guuleystay codadkii doorashada 52%, waana in laga sii daayo xabsiga,” ayuu yiri Erdogan la hadlay warbaahinta Turkiga; xilli uu kasoo laabanayay safar uu ku tagay dalka Iiraan.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Erdogan ayaa xaqiijiyay hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Turkiga. Isagoo intaas ku daray in xukuumadda Ankara ay ka go’an tahay inay dib u eegto xiriirkii ay Masar la lahayd Masar, laakiise taas ay ku xiran tahay in Qaahira ay sii dayso Mursi.

Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa xiriir dhow la lahaa Xisbiga Talada Turkiga haya ee AK Party. Reccep Erdogan ayaa cambaareeyay markii la a-fgambiyay dalka Mursi, kuna tilmaamay tallaabo aan la aqbali karin oo ay sameeyeen millateriga dalka Masar.

“Waxay nagu yiraahdeen nama fara-gelin karo Turkiga, waa sax ma fara gelineyno, balse haddii ay wax dhacaan oo waddan dhan xoriyaddiisa lagu xad-gudbo waa inaan hadalnaa,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay inay illaa 18,000 oo siyaasiyiin ah la dhigay xabsiga, kuwaasoo laga mamnuucay inay xisbiyada dalka Masar k mid noqdaan, wuxuuna dalbaday in iyana laga qaado xayiraada.

Ugu dambeyn, Turkiga ayaa billaabay in safiirkiisii u fadhiyay dalka Masar uu kala soo baxo dalkaas, iyadoo uu ka jawaabayay af-gambigii Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay iyo tacadiyada ay geysteen ciidanka amniga iyadoo Masar ay iyana safiirkeedii Ankara u yeeratay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya