4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Tababar la xiriira sida looga faa’iideysto Tamarta cadceeda oo lagu Qabtay Jaamacadda Banaadir


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Tababar socday hal maalin ayaa ardayda wax ka barata kuliyadda Injineeriyadda ee Jaamacada Banaadir waxaa loogu qabtay xarunta ay Muqdisho ku leedahay Jaamacadda Banaadir.

Tababarkan ayaa waxaa furay isla markaana soo xiray gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Banaadir ahna ku simaha gudoomiyaha, sidoo kalana ah hormuudka kuliyadda shareecada ee Jaamacada, Cabdiraxmaan Xasan Cumar.

Macallimka tababarka bixinayay ayaa ku dheeraaday ka hadalka sida looga dhalin karo cadceedda koronto, isagoo sheegay in caalamka xilligaan ay u dhaqaaqday qaabkii cadceeda looga faa’iideysan lahaa; wuxuuna daaha ka rogay in sannad waliba sannadka ka dambeeya isticmaalka cadceedd uu sii kordhayo.

“Magaalooyin waaweyn oo ku yaala dalalka horumaray sida Maraykanka iyo qaar kale oo badan ayaa waxaa laga joojiyey isticaalka korontada. Waxayna isticmaalaan tamarta laga dhliyey cadceedda,” ayuu yiri barihii bixinayay casharka.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Banaadir ayaa isna intii uu ku gudo jiray furitaanka tababarka sheegay inay muhiim tahay in ardayda dhigta Jaamacadda dhigta ay wax badan ka ogaadaan sida looga faa’iideysan karo cadceedda; isagoo rajeeyay in tababarkan ay wax badan ka kororsadaan.

“Isticmaalka tamarta cadceedda laga dhaliyo waa mid soo kordhaya, maxaa yeelay waxaa laga heli karaa koronto ka jaban yahay midda caadiga ah ee la isticmaalo, waxaa kaloo loo isticmaalo karaa deegaannada fog-fog ee miyiga ah oo inta badan aysan korontada caadiga ah gaari karin” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda.

Sidoo kale, C/raxmaan Xasan Cumar ayaa u mahadceliyay cid walba oo ka geysatay gacan in tababarkan bixintiisu ay suuro-gasho isagoo balan-qaaday tababarro kale oo waxtar u leh inay ardayda Jaamacadda heli doonaan.

Ardayda ka faa’iideysatay tababarkan ayaa waxay sheegeen inuu ahaa mid aad u anfacay; ayna uga faa’iideyn doonaan ardayda kale ee aysan u suuro-gelin inay helaan fursadan oo kale.

Tababarkan ayaa kusoo beegmay xilli deegaannada miyiga ah iyo magaalooyinka Somalia ay aad ugu soo badaneyso isticmaalka koronto laga dhaliyo ileyska qoraxda; kaasoo si aad ah uga jaban korontada shidaalka laga dhalin karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya