4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Munaasabad lagu soo dhaweynayay guulaha uu gaaray Prof Dufle oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Waxaa xalay Hoteelka SYL ee Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay abaal-marin dhawaan machadka (Giussepe Pitre) ee dalka Talyaaniga uu guddoonsiiyey Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed, isla markaana ay ugu aqoonsatay shaqsiga sannadka ee nabada iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa lagu taageerayay xafladdan musharaxnimada Prof. Dufle oo ka mid ah shaqsiyaadka u taagan sannadkan 2015 biladda caalamiga ah ee Nobel Peace Price ee dhinaca wax ka qabashada arrimaha bulshada.

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ardayda dufcadda 10aad ee kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan dowlada, qaybaha bulshada sida ururrada haweenka, heer Qaran iyo heer gobol, arday, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Intii ay socotay munaasabaddu socotay ayaa la soo bandhigay riwaayad ay ka qayb-qaateen majaajiliistayaal iyo arday; taasoo ka turjumeysay kaalinta bahda caafimaadku kaga jiraan bulshada, waxaa kaloo buraanbur iyo gabay ka tiriyey qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Banaadir iyo haween kala duwan.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Banaadir Prof. Cabdiraxmaan Xasan Cumar oo ka mid ahaa xubnihii halkaas ka hadashay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qayb-galka xafladda loogu hambalyeynayo Prof. Dufle oo uu sheegay in shaqo badan uu u soo qabtay dalka iyo dadka; taasoo uu sheegay inay taariikhdu xusi doonto.

Wasiirka Caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed oo iyana xafladda ka hadashay ayaa ugu hambalyeysay Prof. Dufle abaal-marintii uu dhawaan ku guuleystay iyo mida uu u tartamayo, waxayna sheegtay inuu darajadaas uu ku muteystay howlihii uu ka soo qabtay horumarinta caafimaadka iyo wax-barashada.

“Waxaan ku dhaho ma garanaayo Prof. Dufle maxaa yeelay amaantaada iyo wax walba oo halkan laga sheegi lahaa waa la sheegay, kaliya waxaan ku leeyahay dadaalkaaga halkaas kasii wad annagana waan ku garab-is-taagi doonnaa,” ayay tiri wasiirada caafimaadka Somalia.

Dhanka kale, waxaa xafladda hadalo isugu jiray hambalyo iyo gubaabo kasoo jeediyay, wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga, Maxamed Cabdullaahi, wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta, C/llaahi Colaad Rooble, madaxa ururka Qaranka Haweenka Soomaaliyeed, Batuulo Sh. Axmed Gaballe, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Gunaanadkii waxaa hadlay, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah xildhibaan ku magacaaban guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada baarlamaanka ayaa u mahad-celiyey dhamaan ardaydii soo qaban-qaabisay xafladan iyo ka qayb-galayaashii munaasabadda ee mas’uuliyiin iyo shacab isugu jiray.

Prof. Dufle ayaa ka warramay dadaalkii badnaa ee isaga iyo xubno kale oo Soomaaliyeed ay u soo galeen horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada dalka; gaar ahaan asaaskii Jaamacadda Banaadir oo uu xusay in maanta ay gaartay hadafkii loo aasaasay ayna sanad walba soo saarto kaadiriin aqoontooda lagu kalsoon yahay oo mustaqbalka wax taraya dalkooda iyo dadkooda.

“Sannadkii 2000 ayaan aasaasnay Jaamacadda Banaadir aniga iyo dhaqaatiir dhowr ah oo dalka kusoo harnay, kaddib markii aan aragnay in muddo toban sano ah oo dagaalo sokeeye lagu jiray uusan jirin hal dhaqtar oo Jaamacad kasoo baxay, waxaana taas u aragnay inay ahayd facaa ka har. Maantana waxay jaamacaddu maraysaa heer lagu faani karo,” ayuu yiri Prof. Dufle.

Prof. Dufle uu halkaas kusoo bandhigay abaal marintii lagu soo gudoonsiiyay Talyaaniga ee loogu aqoonsaday shaqsiga sanadka ee nabada iyo arrimaha bulshada, isagoo sheegay inuu rajo badan ka qabo inuu sidoo kale ku guuleysan doono abaal marinta Nopelka isagoo huwan magaca ummada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya