4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
XASAN SHEEKH: Shacabka gobolada dhexe waa inay xoojiyaan dib u Heshiisiinta iyo Nabadda


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa dib ugu soo laabtey Muqdisho, kaddib marki ay booqasho laba maalmood ah ku tageen xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb.

Xasan Sheekh ayaa intii uu degmadaas ku sugnaa wuxuu kulammo la yeeshey odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ururrada bulshada iyo shacabka.

Madaxweynha ayaa qaybahaas kula dardaarmey inay xoojiyaan dadaalka dib u heshiisiinta oo uu sheegay inuu muhiim u yahay dib u dhiska iyo sidoo kale mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya hesho.

“Dib u heshiisiinta waa inaanay halkaan ku joogsan ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka. Dowladda iyo hay’adaha kale ee dalka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu halkaas ku sugnaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqey in 11-ka bisha Abriil degmada Cadaado uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, isla markaana magaalada Dhuuso-mareeb ay noqon doonto caasimadda maamulka cusub ee gobollada dhexe.

Ugu dambeyn, madaxweynaha soo xiray shirkii dib u heshiisiinta ee beelaha gobollada Mudug iyo Galguduud uga socdey Dhuuso-mareeb ayaa kula dar-daarmay inay ka qayb-galaan shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya