4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 10, 2015
Ururka AQAP ee Al-Qaacida oo Dahab dul-dhigay Hoggaanka Sare ee Xuuthiyiinta Dalka Yemen


Jimco, Abriil 10, 2015 (HOL) — Kooxda Al-Qaacidada dalka Yemen ee AQAP ayaa ku dhawaaqay inay siinayso 20-kg oo dahab ah qofkii u keena madaxa hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen, Cabdulmalik Al Xuuthi.

Dowladda Saudi Arabia iyo xulafadeeda ayaa dagaal adag kula jira kooxda Xuthiyiinta ee dalka Yemen, iyadoo go’aanka kasoo baxay Al-Qaacidada Yemen ayaa lagu soo beegay xilli kooxda Al-Qacida ay dhankeedana wado dagaal ka dhan ah Shiicada Yemen.

Kooxda Al-Qacida oo ka faa’iideysaneysa fowdada ka dhalatay Yemen ayaa maalmihii lasoo dhaafay weerrro ku qaadayay xarumaha dowladda ee ku yaalla Mukallah, isla markaana siidaysay maxaabiis badan oo ay ku jiraan hoggaamiyayaasha Kooxda AQAP.

Al-Qaacida ayaa horey uga gaabsatay dagaalka dhex-marayay Xuuthiyiinta iyo dowlddii Yemen, waxayna xilligaas ku mashquulsanaayeen abaabulka maleeshiyadooda Koonfurta Yemen ku sugan.

Ugu dambeyn, go’aanka Al-Qaacida ayaa imaanaya xili Xuuthiyiinta xarumahoodii keydka hubka ay duqeeyeen diyaaradaha xulufada ay Saudi Arabia horkacayso.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo koox Al-Qaacida ka tirsan ay ku dhawaaqdo inay dhaqaale ku bixinayso dilka hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalk Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya