4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
RW C/WELI: Wadamada dariska la ah Somalia waa inay Amnigooda xoojiyaan

Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Ra’iisul waasaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dalalka dariska la ah Somalia inay amniga dalalkooda xoojiyaan, isagoo sheegay inay ka digtoonaadaan in Al-shabaab ay gudaha dhibaato ka geysato.

Mudane C/weli ayaa sheegay in Al-shabaab deegaanno badan laga saaray ayna dhici karto inay khatar ka geystaan dalalka dariska, kuwaasoo ay ka joogaan Soomaaliya ciidammo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waan hubaa inay dhibaatooyin maleegayaan kooxaha nabadda kasoo hor-jeeda, waxaana ku boorrinayaa dalalka dariska ah iyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si ay khataraha Al-shabaab uga hortagaan,” ayuu C/weli Sheekh ku sheegay shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta ay ka helayaan ee AMISOM ay deegaanno badan dhowrkii casho ee lasoo dhaafay kala wareegeen Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jirto magaalada dekedda leh ee Baraawe.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa qabashadii degmada Baraawe oo lix sano saldhig u ahayd Al-shabaab ku tilmaamay inay tahay guul weyn oo dagaalka Al-shabaab lagula jiro laga gaaray, wuxuuna ka digay dhibaatooyin ay qaybo ka mid ah dalka ka geystaan.

Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya ayaa waxaa dalka kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM oo ka caawinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab oo weli deegaanno dhowr ah oo dalka ah ka howlgala ayaa horay ugu goodisay inay weerarro aargudasho ah ka geysan doono dalalka Afirkaanka ah ee ay ka socdaan ciidamada AMISOM, kuwaasoo ay ku jirto Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay Al-shabaab ka saaro goobaha ay kaga sugan tahay dalka, iyadoo xoojisay howlgallada ay ku doonayso in ay ku qabsato deegaannada ay u aragto inay yihiin muhiim.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya