4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Hay'adda Somali Relief Network oo Hilbo u Qaybisay Dad Naafo ah (SAWIRRO)

Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) :- Hay’adda Somali relief Network of North America ayaa magaalada Kismaayo hilbo ugu qeeybisay dad gaaraya ilaa 750 qof oo curyaamiin ah, kuwaasoo ay aad u adkeyd xaaladooda dhinaca nolosha.

Hay’adda ayaa dadkani u qeybisay hilbada ilaa 150 neef isugu jiray Ari iyo Ido, waxaana dadka loo qeybiyay deeqdan ay isugu jireen, kuwo indho la’, qaar dhego la’ iyo weliba kuwo kale oo curyaamiin ah.

Madaxa hay’adda Somali Relief Network, mudane Aadan Max’ed Ciise ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talogaleen in ay uga farxiyaan dadka danyarta ah ee curyaamiinta ah ee ku nool magaalada Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in hay’adoodu ay qorsheeyneeyso in dadkan aysan lixdooda lixaad dhameystirnayd eek u nool Kismaayo ay u furto xarun lagu xanaaneeyo, wuxa uuna ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed eek u kala nool daafaha caalamka in ay usoo gurmadaan.

Hay’adda Somali Relief Network of Noth America ayuu fadhigeedu yahay dalka Kanada, waxay hore barnaamij kuwan lamid uga fulisay deegaanka Ceelsha biyaha, degmada Afgooye iyo weliba magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya