10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 1 , 2014
Arday Soomaaliyeed oo Shahaado sare ku qaatay Mowduuc ku cusub Somalia


Arbaco, Oktoobar 01, 2014 (HOL) — Arday Soomaaliyeed ayaa shahaadada labaad ee loo yaqaan Master-ka ku qaatay maaddo aan horay loogu arag Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika, taasoo uu ku masbaday ammaan iyo sharaf weyn.

Inj. Cabdisataar Carabow Ibraahim ayaa wax ka qoray masharuuc muhiim u ah Soomaaliya kaasoo ahaa; Proposing Model For the Implementation of E-government System in Somalia oo macnaheedu yahay; 'Soo jeedinta hab Somalia looga hirgelinayo Xukuumadda electronic ah' taasoo uu ka qaatay Jaamaacadda sayniska iyo tiknolojiyadda ee Suudaan.

“Sharaf weyn bay ii ahayd markii mushrafkeygii uu daraasaddan ama buuga qalin-jabinta ee aan qoray uu ku tilmaamay mid u qalma in lagu diyaariyo darajada Phd-ga,” sidaa waxaa yiri Inj. Carabow oo u muuqday inuu aad ugu faraxsan yahay buugga uu diyaariyay.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay maamulka Jaamacada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay ahaayeen kuwii suurogeliyay inuu Suudaan u aado waxbarasho sare.

“Jaamacadda Suudaan ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadda waxaa uu suuro-gelisay inaan wax ka barto Jaamacadda Muqdisho oo aan ka qaatay markii hore shahaadada koowaad ee waxbarashada jaamacadeed, waxbarashadii aan kasoo qaatay Jaamacadda Muqdisho ayaa suurogal iiga dhigtay inaan tartan la galo shucuub kala duwan oo aan anigu kaga guuleysto heerka ugu sarreeya ee shahaadada Master-ka lagu qaato,” ayuu hadalkiisa ku daray Inj. Caraboow.

Wuxuu intaas raaciyay. “Waxaan is leeyahay waxaa timid maalintii la-wada sugayay oo ay dad badanna ku farxi doonaan sida waalidkey, macallimiintii wax i soo baray iyo asxaab-tayda meel kasta oo ay dunida ka joogaan.”

Mar uu ka hadlayay fahamka waxa loo yaqaanno xukuumadda electronic ah ayuu sheegay inuu yahay nidaam dhawaan kasoo if baxay dowladaha soo koraya iyo kuwa hormaray intaba, iyadoo lagu doonayo in lagu hormariyo adeegga dowladuhu ay shacabkooda u qabtaan, lagana gudbo adeegsiga warqadaha la is-waydaarsado, si adeeg hufan loogu gudbiyo muwaadiniinta.

“Haddaba si looga gudbo musuqa, sicir-bararka iyo burburka dhaqaale in diiradda la saaro wax ku oolnimada tallaabooyinka ay dowladdu qaadayaan iyo in laga dhigo adeegsiga tiknolojiyadda casriga ah, arrin lama dhaafaanna u ah xiriirka tooska ah ee muwaadiniinta iyo xukuumadda,” ayuu yiri Inj. Caraboow.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in arrintan ay yareyn karto musuqmaasuqa sida; laaluushka iyo wax-is-daba-marinta, wuxuuna nidaamkan qayb-weyn ka qaadanayaa yareynta saacado badan oo ku bixi lahaa shaqooyinka laga qabto gacanta, iyadoo muwaadinku helayo nasiino marka uu shaqooyinkiisa ku qabsado Internet-ka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya