3/3/2025
Today from Hiiraan Online: Request For Quotation (RFQ) for the provision of Mid Term Re...
Wararka Maanta- Talaado, Nov 25, 2014
Jaamacadda Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Minneapolis

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Talaado, November 25, 2014 (HOL) — Magaalada Minneapolis ayaa xaflad casho sharaf ah oo lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha Jaamacada Banaadir lagu qabtay Safari Hall, iyadoo ay kasoo qayb-galeen dadwayne aad u fara badan sida dhakhaatiir, ganacasado, hor-joogayaasha arrimaha bulshada, haween, ardayda Jaamacadaha iyo kuwo kale.

Xxafladda ayaa waxaa daahfuray, Inj. Jibriil Afyare oo ku dheeraaday wax-qabadka Jaamacadda iyo kulilyadaheeda. Waxaa kaloo hadlay Siyaad Cali oo dhawaantan loo doortay madaxa dugsiyada Minneapolis, isagoo xusay inuu diyaar u yahay hiil iyo hooba inuu la istaago Jaamacadda Banaadir.

Sidoo kale, Xafladda soo dhaweynta waxaa ka hadlay, Dr. Poul Power oo Jaamacadda Minnesota ka tirsan, isagoo sheegay inuu dhawaan ka soo laabtay Muqdisho uuna soo arkay horumarka ay sameeysay Jaamacadda Banaadir kaasoo sheegay hadda inuu wado qorshe lagu mataaneeyn doono Jaamacadaha Minnesota iyo Jaamacadda Banaadir ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo hadlay C/casiis Maxaay oo isaguna ka mid ah samafalayaasha Soomaaliyeed, xubinna ka ah guddiga maamula Jaamacadda Banaadir, isagoo xusay in jaamacaddu ay horumar weyn sameysay.

Dr. Cabdirisaaq Axmad Dalmar ayaa hadalkii qaatay isagoo sheegay inuu Isbitaalka Al-Nuur Eye Clinic intii uu ka shaqeeynayay uu ka daweeyay cudurrada indhaha ku dhaaca dad tiradooda ay kor u dhaafeeyso 300.000 ruux oo isugu jiray waayeen, carruur iyo dhallinyaro. Wuxuuna xusay in la aasaasay isbitaalka sannadkii 1991-kii.

Sidoo kale, Dr. Dalmar wuxuu xusay inay sidoo kale cudurrada indhaha ka daaweyeen dad ka yimid deegaannada Soomaalida Itoobiya iyo dalka Kenya, ayna howlo samafal ah ay ka fuliyeen gobollada dalka qaarkood.

Dr. C/risaaq Dalmar ayaa xusay in Jaamacadda Banaadir ay haatan leedahay kulliyado badan oo dhawr qaybood ka kooban, iyadoo arday fara badan ay ka kala qalin-jabiyeen, haddana kuwo ayay u socotaa wax-barashadooda. Isagoo intaas ku daray inay dhiseen xarun wayn oo Jaamacadda Banaadir ay leedahay, taasoo lagu dhisay sida uu sheegay lacagaha jaamacadda soo galay oo aysan jirin cid ka caawisay dhimasha.

“Annagu ka dooni mayno caalamka lacago daneysi ah, laakiinse waxaanu ka rabnaa inay naga taakuleeyaan dhinaca aqoonta iyo agabkii loo adeegsanayo,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay jiraan barnaamij ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Maraykanka; kaasoo qayb ka noqon doono taageerada dhinaca wax wada-qabsiga, adeegga waxbarashada iyo tayadeedaba. Isagoo intaas ku daray inay mataaneynayaan Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacada Gobolka Minnesota; waxaan kaloo wadnaa inaanu abuurno dugsiyo sare oo heerka waxbarasho ee Minnesota ku xiran.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay rajeynayaan inay Muqdisho ka dhisaan dugsiyo ay ka faa'iidi doonaan ardayda Soomaaliya jooga iyo kuwa dalka loo geeyo dhaqan-celinta.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
siyadsalah@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota, USA