1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 2 , 2014
Tartanka Heesaha Hirgalay oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, November 02, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustafa Sh. Cali Dhuxuloow ayaa xalay ka qayb-galay tartanka heesaha hirgalay oo ay ku tartamayeen afar dhallinyaro ah oo tijaabinayay inay ka mid noqon karaan fannaaniinta Somalia. “Tartanka Heesaha Hirgalay wuxuu qayb ka yahay horumarinta fanka Soomaaliyeed,” ayuu wasiirka warfaafinta ka yiri goobta tartanka.

Tartanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta, guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Soomaaliyeed, guddoomiyaha ururka dhalinyarada iyo marti sharaf kale oo ay ku jireen ajaanib, iyadoo ay fannaaniinta hobollada Waaberi dadkii goobta ku sugnaa ku maweelinayay heeso kala duwan, isla markaasna dhiirri-gelinayay dhalinyarada goobtaas ku tartamayay.

Guddi seddex xubnood ah oo fannaaniintii hore ka tirsan ayaa loo xil-saaray inay qiimeyn ku sameeyaan dhallinyarada tartamayay oo ay xulaan shaqsiga kaalinta koowaad ka gala tartanka. Waxyaabaha ay guddiga fiirinayeen ayaa waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada u soo bandhigaan fankooda, sidoo kalena ay masraxa soo istaagayaan, ereyada heesta iyo qaab-dhismeedkooda, habraaca laxanka iyo muusikada, codka qofka tartamaya oo 40% lagu helayay iyo calaamadaha laga rabo qofka fannaanka ah inuu bixiyo marka uu heesayo.

Guddigan ayaa kala ahaa: Shimaali Ahmed Shimaali, C/risaaq Geedi Aakhiro iyo Maxamed Abuukar Angaazi. Iyadoo afarta dhallinyaro ee tartamayay ay kala ahaayeen: Umi Sharif Axmed, Aweys Maxamed Saciid, Sadaq Shariif Maxamuud iyo Maxamed Axmed Shareeco.

Wasiirka warfaafinta oo ka hadlayay barnaamijka heesaha hirgalay ayaa yiri: “Heesaha Hirgalay waa barnaamij taariikh ku leh dalka oo waxaa horay uga soo baxay fannaaniin fara badan oo caan noqday, dalkana sumcad ku leh. Ujeeddaduna waxay ahayd sidii loo horumarin lahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya. Waxaan u qabanay barnaamijkan in dhallinyarada fursad loo siiyo inay kusoo bandhigaan xirfadahooda faneed, taasoo dhallinyarada u abuureysa shaqo, isla markaasna ka leexinaysa falalka xun-xun iyo ka mid noqoshada kooxaha argagaxisada ah.”

Gaba-gabadii tartanka ayaa guddigu waxay go’aamiyeen inay kaalimaha u kala galeen fannaaniintii tartanka ka qaybgalay:

1. Maxamed Axmed Shareeco - kaalinta koowaad 90%
2. Umi Shariif Axmed oo gabar ahayd - kaalinta labaad 67%.
3. Saadaq Shariif Maxamud – kaalinta saddexaad 65% 
4. Aweys Maxamed Saciid – kaalinta afaraad 64%

Maxamed Axmed Shareeco ayaa u mahadceliyay wasiirka warfaafinta iyo dhammaan dadkii ku dhiirri-geliyay inuu barnaamijkan kasoo qayb-galo. Shareeco ayaa sheegay inuu dareemayo faraxad aad u weyn oo riyadiisiina ay rumowday.

Wasiirka warfaafinta oo xirtaankii barnaamijka ka hadlay ayaa mar kale yiri: “Afarta dhallinyaro ee ka qayb-galay barnaamijka waa kuwo guuleystay, maadaama aysan la’aantood barnaamijka qabsoomi lahayn, kuna dhiirri-geliyay in dhallinyarada kale ay ku daydaan oo ay si xoog leh uga soo qayb-galaan barnaamijka Heesaha Hirgalay oo bil walba la qaban doono, taasoo fursad uga dhigaysa dhallinyarada Soomaaliyeed inay xirfadahooda faneed kusoo bandhigaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya