Bannaanbax Baydhabo ka dhacay iyo Madaxweyne la dooranayo (SAWIRRO)
Isniin, November 17, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay; tiro kalena way ku dhaawacmeen mudaaharaad ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Dibadbaxan ayaa sababay inay xirmaan gabi ahaan waddooyinka magaalada ayna istaagaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, suuqayadii ganacsigana la xiro. Banaanbaxa oo ay qabteen taageerayaasha maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol, iyadoo dibadbaxayaashu ay isku dayeen inay galaan hoolka uu ka socdo shirka, inkastoo ciidamadu ay ka hortageen falkaas.
Sidoo kale, shirka lagu dooranayo madaxweynaha maamulka sadexda gobol ayaa ayaa ka socda xerada 60-aad ee magaalada Baydhabo, iyadoo amniga ay aad u adkeeyeen ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Intii uu dibadbaxu socday ayaa toogasho lagu dilay laba qof, iyadoo labo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dibadbaxayaashu ay gubeen gaari u kireysnaa ergooyinka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed, iyadoo ciidamada dilka iyo dhaawaca dadkan ay ahaayeen ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow.
Qaar ka tirsan ergooyinka ayaa maanta geli waayay hoolka shirku ka socday kaddib markii ay hor-istaageen dadkii dibadbaxa dhigayay, kuwaasoo si aad ah uga soo horjeeday doorashada, iyadoo intii uu dibadbaxu socday la gubay taayarro, sidoo kalena la tuuryeynayay gaadiidka.
Ciidamada booliiska ayaa xakameyn waayey taageerayaaasha lixda gobol oo ahaa kuwii dibadbaxa dhigayay, iyadoo taliyaha ciidamada booliiska gobolka Bay Col. Mahad C/raxmaan uu ka dalbaday inay magaalada ka daayaan taayarrada ay gubayaan, ayna waddooyinka ku maraan si nabadgalyo ah.
Doorashada madaxweynaha ayaa billlaabatay 2:00 duhurunimo ee maanta, iyadoo dhammaan tartamayaasha iyo ergooyinka wax dooranaya ay xilligan ku sugan yihiin gudaha halka uu shirku ka socdo.
Wixii kusoo kordha doorashada iyo mudaaharaadka waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Hiiraan Online, Baydhabo