12/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 15, 2014
Guddoomiyaha G/Hiiraan oo sheegay inuu ka qaybgalayo shirka Copenhagen


Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo ka dhoofay magaalada Beledweyne, ayaa ka hor inta uusan anbabixin u sheegay warbaahinta in uu ka mid yahay wafuud ka qeyb-galli doonta shirka la filayo inuu dhawaan ka furmo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Guddoomiyaha oo ay dhinac taagnaayeen ku-xigeenadiisa iyo mas'uuliyiinta maamulka heer degmo ayaa xusay in shirkaas wax weyn ka fileyso Somalia islamarkaana uu ka duwan yahay sidda uu hadalka u dhigay shirarkii hore ee looga hadali jiray xaalada Soomaaliya.

“Waxaan ku sii jeedaa magaalada Muqdisho anniga oo ka mid ah wafuud mataleysa maamulada gobollada ee ka qeyb-galli doonta shirka ka furmaya Copenhagen oo ah shir siweyn isha looga wadda hayo,'' ayuu yiri Cabdifitaax Xasan Afrax.

Guddoomiyaha ayaa faray mas'uuliyiinta heer gobol iyo degmo inay ka shaqeeyaan nabad-galyada, dhinaca kalana waxaa uu ugu baaqay shacabka gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne in ay la shaqeeyaan laamaha ammniga.

Shirka Copenhagen ayaa ku soo beegmay xili jahwareer siyaasadeed uu hareeyay dowladda Soomaaliya, kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-gallay madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud iyo ra'iisal wasaare C/wali, kaasoo saameyn ku yeeshay habsami u socodkii howlaha dowladda.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya