10/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 14, 2014
Equatorial Guinea oo Marti-gelinaysa Koobka kubadda cagta Qaaradda Afrika


Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Dalka Equatorial Guinea ayaa marti-galinaya koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2015-ka, sida uu BBC-da u sheegay madaxa xiriirka kubadda cagta Qaaradda Afrika.

Equatorial Guinea ayaa bedelaysa Morocco oo ka gaabsatay inay tartanka marti-galiso xilliga loogu talo-galay, cabsi ay ka qabto inuu dalkeeda soo gaaro cudurka halista ah ee Ebola.

Waddanka Morocco ayaa laga mamnuucay inay ka qayb-gasho tartanka sannadka soo socda ee Qaramada Afrika, sababo la xiriira cabsida ay ka muujisay cudurka Ebola oo kumannaan qof ku dilay dalal ku yaalla dhanka galbeed ee Qaaradda.

Madaxa xiriirka kubada cagta Afrika, Ciise Xayaatu ayaa magaalada Malabo ee xarunta dalka Equatorial Guinea kula kulmay maanta madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang, waxayna isku afgarteen in tartanka lagu qabto magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, sida Bata, Ebebiyin, Mongomo iyo Malabo oo caasimadda ah.

Xulka dalka Equatorial Guinea oo horay looga reebay tartanka ayaa ka mid noqon doona 16-ka xul ee ka socda Qaaradda Afrika maadaama dalkooda uu nasiib u yeeshay in tartanka lagu qabto.

Koobka Qaramada Afrika ayaa waxaa labadii sanaba mar lagu qabtaan dal ka mid ah kuwa Afrika, iyadoo ay ku tartamaan dalalka Afrika ee tartanka is-reeb-reebka ah kasoo gudba, iyadoo koobka ay hadda haystaan xulka dalka Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya