3/2/2025
Today from Hiiraan Online: Ex-Puntland election chief: Deni allowed ISIS to strengthen ...
Wararka Maanta- Talaado, Nov 11, 2014
Ergooyinka shirka Baydhabo oo kasoo horjeestay go’aankii Madaxda Somalia


Talaado, November 11, 2014 (HOL) — Ergada shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ka socda ayaa kasoo hor-jeestay go’aankii ay shalay soo saareen madaxda Somalia, kaasoo ay ku dalbadeen in hakad la geliyo shirkaas.

Xasan Maxamed Xuseen oo ka mid ah ergooyinka ka qaybgalaya shirka ka socda Baydhabo ayaa sheegay inay ergooyinka shirka ka qaybgalaya go’aan ku gaareen inay sbirkood sii wataan maanta Khamiista ahna ay madaxweyne doortaan.

“Go’aanka madaxda dalka ergooyinku way ka hadleen waxayna go’aan ku gaareen inuu shirku sii socdo. Khamiistana la doorto madaxweynaha uu maamulka Koonfur-galbeed yeelanayo,” ayuu yiri Xasan Maxamed.

Sidoo kale, ergayga ayaa sheegay inaysan jirin xilligan wax khilaaf ah oo u dhexeeya ergooyinka shirk aka qaybgalaya, isgaoo xusay inaysan ogolaan karin in khilaafka madaxda dalka u dhexeeya shirka Baydhabo  ka socda loo soo raro.

“Waxa la isku hayo waa in madaxweynaha ay doortaan ergooyinka iyo inay doortaan xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed. Runtii xilliga oo aad u kooban awgeed lama dhisi karo xildhibaanno, marka waxaan go’aansanay in ay ergooyinku doortaan madaxweynaha maamulka,” ayuu ergaygu mar kale yiri.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku baaqay in shirka muddo aan la cayimin hakad la geliyo, iyadoo tani ay qayb ka tahay sida ay sheegeen in la saxo khaladaad shirkaas ku jira.

Ugu dambeyn, mas’uulka ayaa sheegay inay aad ula yaabeen sababta ay ku codsadeen madaxda dalka in shirka oo gabo-gabo maraya hakad la geliyo, wuxuuna xusay inay ergooyinku ku adkeysteen inay shirkooda sii wataan oo aanu saameyn ku yeelan hadalka madaxda Somalia ay soo saareen shalay.

Ergooyinka shirka Baydhabo ka qaybgalaya ayaa dhawaan dastuurka uu ku shaqeyn doono maamulkaas meel-mariyay, iyagoo sidoo kalena caasimadda maamulka u doortay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya