1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2014
Kooxda Real Madrid oo ku Guuleystay koobkoodii 10-aad oo Horyaalka Yurub


Axad, May 25, 2014 (HOL) — Kooxda Real Madrid ayaa xalay xaqiijisay in ay yihiin hoggaanka kubadda cagta Yurub ka dib guul muhiim ahayd oo ay ka gaareen kooxda ay isku magaalada ka dhisanyihiin ee Atletico Madrid oo ay isugu soo baxeen finalka koobka aad loo ixtiraamo ee Uefa Champions Leugue.

Waxaa ciyaartan lagu so bilaabay ciyaar-yahanno lagu waday in ay maqnaadaan  sida Diego Costa  oo aan wax badan garoonka ku sii jirin, halka laacibiinta  Real Madrid ee kala ah Banzema iyo Ronaldo, iyagana lagu soo bilaabay kulankaas o aad u adkaa,inkasto Alonso uu ganaax ku seegay.

Daafaca kooxda Atletico Godin ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 36-aad ka dib kubad madax ah oo uu daba-mariyay gool-hayaha Real Madrid  oo soo baxay ,inkastoo ay jireen fursado taa ka horeeyay oo ay iska qasaariyeen.

Inkastoo labada kooxood ay dadaal badan muujiyeen hadana waxaa qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Atletico ,waxaana markii la isku soo laabtay jiray dhowr qalad oo lagu galay ciyaar-yahanadda Real sida Di-Maria oo aad uga dhex-muuqday ciyaarttii xalay.

Carlo Ancelloti ayaa qaybihii danbe sameeyay laba badal oo deg-deg ah, isagoo soo galiyay Marcelo iyo Isco ,kuwaasi oo ciyaarta samayn ku yeeshay ,waxaana weerarro is-daba joog ah oo lagu soo qaaday gool-hayaha Atletico oo aad u dhiirannaa.

Daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa goolka bar-baraha waxaa Real u saxiixay daafacooda Sergio Ramos kaddib kubad madax ah oo uu ka dhex–galay daafacyada Atletico, taasoo kor u soo qaadday rajadii Los Balancos, waxana lagu kala nastay ,iyadoo bareejo ah ,inkasto lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah.

Ciyaarta oo maraysa  110 daqiiqo ayey Real Madrid hogaanka qabtay kaddib markii kubad laga soo shaqeeyay uu dhinaca bidix ee goolka kala soo galay Di-Maria,kaasi oo gool-hayaha ku garaacay ,balse waxaa madax ku dhamaysytitsy  Bale oo dhinac kale goosha ka taagnaa.

Laba gool oo kale oo aan wax badan kala danbayn oo ay kala dhaliyeen Marcelo iyo Ronaldo ayaa Real u sii sahashay koobkan ,waxaana ay ku soo idlaatay 4-1, iyadoo garoonka kooxda Banifica ay goob-joog ka ahaayeen madax kala duwan oo kubadda cagta ku shaqa leh.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]