5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2014
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si rasmi ah loo caleema saaray (SAWIRRO)
Axad, May 25, 2014 (HOL) — Waxaa goor dhow soo gaba gabowday munsaabadda caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka 34-aad ee beelaha ku abtirsada magaca Daarood.

Xafladda caleema saarka oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimey waxaa kasoo qayb galay in ka badan lix kun oo qof, kuwaas oo ka kala yimid dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto iyo caalamka.

Boqorka waxaa lagu duubay aqal-soomaali weyn oo goobta caleema saarku uu ka dhacayey laga dhex dhisay, waxaana duubay qaar kamid ah isimada waaweyn ee sida aadka ah looga tixgeliyo geyiga Soomaalida.

Boqorka oo si kooban warbaahinta u hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka weyn ee la saaray, wuxuuna Ilaah ka baryey inuu u fududeeyo isagoo ugu dambeyntiina si aad ah ugu mahadceliyey marti sharafta goobta isugu timid.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo caleema saarka kaddib hadlay, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed oo ku weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu Boqorka Ilaah uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibey, isagana wuxuu kula dardaarmay inuu daacadnimo, hufnaan iyo dulqaad ugu adeego dadka boqraday iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Xafladdu intii ay socotey waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey madax, ismimo iyo qaar badan oo kamid ah martisharaftii kasoo qayb gashay, waxayna dhammaantood u hambalyo u direen boqorka cusub iyagoo sheegay inuu yahay qof u qalma kana soo bixi kara xilka uu qaaday.

Boqor Burhaan Boqor Muuse waa boqorka 34-aad ee boqortooyada Daarood oo soo jirtey qarniyaal badan, wuxuuna bedelay walaalkiis Boqor C/laahi Boqor Muuse oo sanad kahor geeriyoodey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya