11/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Ganacsiga Somaliland


Axad, May 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xalay xilkii ka qaaday wasiirkii Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub”ayaa lagu yidhi war-saxafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

“Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi, waxaana intaas lagu daray “ waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

Wasiirkan xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa wasiirada ugu cadcaddaa ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isla markana hore u ahaa wasiirka Arrimaha dibadda, haseyeeshee dadka ka faaloodda siyaasadda Somaliland ayaa sheegaya in xil ka qaadistaasi daaran tahay taageeradda uu markasta uu wasiirkaasi siin jiray gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo loolan siyaasadeed ka dhexeeyo madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa aaminsan in la sugayey in xilka laga qaado wasiirka maadaama oo saaxiib dhow yihiin gudoomiyaha xisbiga oo dhowaan shaaciyey inuu la tartamayo madaxweynaha, waxaanu Maxamed Cabdilaahi ka mid ahaa wasiirada faro ku tiris ah ee taageersan siyaasadda gudoomiyaha xisbiga KULMIYE  Biixi.

Sidoo kale, Maxamed Cabdilaahi waxa uu ka mid ahaa shirgudoonka shirweynihii kulmiye loogu doortay inay hogaamiyaan shirka xisbiga, isla markaana soo xulaan xubnaha golaha dhexe, haseyeeshee iskuma ay aragti ahayn guddidaasi oo badankoodu taageersanaa siyaasadda xukuumadda, taasina waxay keentay in aanu saxeexin natiijadii ay guddidaasi soo saartay ee ka cadhaysiiyey hogaanka xisbiga kulmiye, taas oo khilaaf ka dhex abuurtay kulmiye.

Loolanka ka dhexeeya madaxweyne Siilaanyo iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa xil ka qaadista wasiirkani soo shaac saartay, waxaanu wasiirkani si cad ula saftay hogaanka xisbiga kulmiye.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland