12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 24, 2014
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Gobollada PL oo Saaka bilowday (SAWIRRO)

Sabti, May 24, 2014 (HOL) — Dhammaan gobollada Puntland waxaa maanta abbaare  9:30 subaxnimo si rasmi ah uga bilowday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada 4-aad dugsi dhexe iyo 4-aad dugsiga sare.

Imtixaanka sanadkan waxaa u fariistay 9326 arday, waxaana lagu qaadayaa 83 xarumood iyadoo ay ilaalin doonaan 488 qof oo isugu jirea macallimiin iyo weliba kormeerayaal ka socda Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland.

Dugsiga Gambool ee Garoowe xaflad ka dhacday, taas oo imtixaanka lagu daah furayey ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame.

Madaxweynaha oo isagu imtixaanka si rasmi ah u furay ayaa ardayda u rajeeyey guul Ilaahna uga baryey in uu imtixaanka u fududeeyo, dhinaca kale madaxweynuhu wuxuu ardeyda kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii laban laabaan.

" aad iyo aad waxaa farxad iigu ah in aan idiin imaado, idinkalana qayb qaato maalintaan idinku wayn, taariikhdiinana meel fiican ka galaysa" Madaxweynaha ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey "waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ka go'an tahay in mustaqbalkiinu sida idinka aad la doonaysaan uu noqdo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xaflad kale oo taas lamid ah ayaa iyaduna ka dhacday dugsiga sare ee Imamu Nawawi ee magaalada Boosaaso, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiir ku-xigeenka waxbarashada Puntland, gudoomiyaha gobolka Bari iyo guddoonka waxbarashada ee degmada Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax oo si kooban ardeyda ula hadlay, ayaa ugu hambalyeeyey heerka ay soo gaareen, isagoo ku boorriyey in looga baahan yahay in ay dadaalkooda halkaas kasii wadaan.

Ardayda ugu badan ayaa imtixaanka ku gelaya magaalada Boosaaso oo iyadu ah tan ugu dadka badan dhammaan gobollada Puntland islamarkaana ay ka furan yihiin dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe ee ugu badan Puntland.

Sanad dugsiyeedkii 2009/2010 ayey ahayd markii ugu horeysey ee Maamulka Puntland uu mideeyo imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dowladda hoos taga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku mideysan Dallada Waxbarashada Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PEN.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya