Munaasabad lagu Xusay 26-ka Juun oo lagu Qabtay Beledweyne (SAWIRRO)
Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Munaasabad ay kasoo qeyb-galeen mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan iyo marti-sharaf kale, laguna maamusayay 54-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gumeystihii Ingariiska ka horeebeen gobollada W/qooyi ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax khudbad ka jeeediyay munaasabada ayaa sheegay in xoryada maanta la harsanayo ay dad badan u dhinteen, dhiig-badanna loo daadiyay, isaga oo intaa ku darray in 26-ka Juun lagu xasuusto 1960-kii maanta oo kale markii qeyb ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya laga taagay calan Soomaali leedahay.
Guddoomiyaha ayaa ku amaanay dadka degan gobollada W/galbeed waqtigaa in ay garteen muhiimada midnimada ay leedahay, madaama 1-Luulyo markii ay xoreebeen gobollada Koonfureed bilaabeen in ay isku biiraan labada gobol.
“Runtii waxaan rabaa inaan ku amaano dadweynaha dega gobollada waqooyi garashadii waqtigaas ee aheyd is raacii Koonfur iyo Waqooyi, waa halkii ay ka bilaabatay midnimada umadda Soomaaliyeed,’’ laakiin waxaan ka xunnahay in ay jiraan dad xiligan ka shaqeynaya in midnimadaas la kala dhan-taallo,’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa uga tacsiyeeyay dowladda Jabuuti iyo ciidamada AMISOM geerida labo askari oo ka tirsaneyd ciidamada Jabuuti oo saakay lagu dillay weerar lagu qaaday degmada Buula-burte, isaga oo sheegay in ragga dhintay uu siweyn garanayay.
Munaasabada oo ay ka soo qeyb-galleen marka laga soo tago mas’uuliyiinta maamulka gobolka, qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa dhamaan dadkii ka hadllay waxaa ay ka sheekeeyeen qiimaha maanta oo kale ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu fadhiso, iyaga oo intaa ku darray in loo baahan yahay wada jir in loo ilaaliyo xoryada.
Guddoomiyaha gobolka ayaa ku booriyay gaar ahaan dhalinyarrada in ay gartaan awooda ay leeyihiin kana shaqeeyaan siddii dib loogu soo celin lahaa Qarannimadii Soomaaliya ee bur burtay, islamarkaana awoodooda isugu geeyaan taageerada dowlladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya