8/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 26, 2014
Wariyaal Qurba-joog ah oo xusay Sanad-guuradii 7-aad ee Aasaaska SOJASA


Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Wariyeyaal qurba-joog ah ayaa u dabaal-dagay sannad-guuraddii toddobaad ee kasoo wareegtay markii la asaasay ururka ay ku bahoobeen ee SOJASA, xafladdan ayaa ahayd mid carruur iyo cirroolaba ay ka qayb-galeen.

Ururada bulshada rayidka ee kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay xafladda, halkaasoo ay hadalo dhiirri-gelin ah ka jeediyeen, Mahad Cumar oo madax ka ah ururka cilmi-baarista iyo horimarinta SOMCORD, isagoo sheegey in warbaahinta ay tahay laf-dhabarta bulshada, gaar ahaan Soomaalida qurba-joogta ah oo adeegga saxaafadda ugu baahan si ka badan kuwa dalkii jooga.

Xaddiis Xaaji Aadan oo ka socday ururka jaaliyadda SASA ayaa hadal dadka qiiro galiyay ka jeediyay, iyadoo sacab loo wada istaagay u dhacay kaddib markii uu ku luuqeeyay heesta calanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika SOJASA, Maxamed Muuse Nuur (Deeq-darajo) oo qadka taleefoonka ugu qayb-galay munaasabadda ayaa sheegay in xilligani la joogo xiligii ay SOJASA ay hoggaan cusub ay yeelan lahayd, isagoo ku baaqay in saxafiyiinta ay u diyaar-garoobaan qabashada xilka sare ee gudoonka ururka, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan saxafiyiinta ku mideysan SOJASA.

Kooxda fanka iyo hobollada GURMAD ayaa iyaguna soo bandhigay maraxiyad ka koobnayd maad iyo qosol oo ay kaga hadlayeen wacyiga Soomaalida maanta. “Aniga Canada ayaan kasoo guuray, Holland waan ka guuray, Ingiriiska ayaan dagay, waa i anfici waayay, Australia ayaan dagay waa i anfici wayday, waana degi la’ahay, tan kale Sheekha haddii uusan beesheyda ahayn wacdi kama dhagaysto, fanaanka haddii uusan beeshaydu ahayn heesihiisa ma dhagaysto, wariyaha haddii uusan beesheyda ahayn ma rumeysto ee dhaqtaroow maxaan sameeyaa,” sidaas waxaa yiri jillaaga weyn ee Muruq, waxaa u jawaabayaa Jillaaga kale C/naasir Xiddig oo ku jilayay dhaqtar. “Cudurka ku haya kan hore waxaa la dhahaa qanaaco-darro, kan kalana waxaa lahaa qabyaalad, dawana ma leh, waana la is qaadsiiyaaye, iga fogoow ha igu daaranine.“

Ururka SOJASA ayaa ka warbixiyay wax-qabadkooda iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan, iyadoo sidoo kale goobta billado lagu gudoonsiiyay kooxo kubbada cagta oo tartan ka qayb-galay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya