Madaxweyne Xasan oo Hambalyo u diray Reer Hargeysa 26-ka Juun Awgeed
Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xalay ka jeediyay khudbad munaasabad lagu xusayay 54-sano guuradii kasoo wareegtay 26-ka Juun oo ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago dalka Soomaaliya oo xor ah, iyadoo munaasabadda ay ka qaybgaleen dad aad u fara badan.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia oo ku jiraan wasiirka diinta, kan warfaafinta, kan shaqada iyo shaqaalaha, kan dhallinyarada, xildhibaanno, guddoomiyaha gobollka Banaadir iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabaddan.
Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda ayaa marka hore hambalyo ku aaddan 26-Juun u diray dhammaan bulsho-weynta Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, gaar ahaan dadka ku nool magaalada Hargeysa oo uu sheegay inay ahayd halkii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed oo muujinaya xoriyadda dalka laga taagay 26-kii Juun 1960-kii.
“Dadka Soomaaliyeed meel walba ay caalamka ugu nool yihiin caawa waa u ciid, waxaan rabaa inaan iraahdo ciid wanaagsan, waa maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu weyneeyaa maalintaas ku asteysan maanta,” ayuu yiri madaxweynaha.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatadii ka dhacday dalka aysan ummaddeenna Soomaaliyeed ilowsiin doonin taariikhdeenna. “Dhibaato way dhacday wax badanna way naga qaldameen, hasa ahaatee taasi macanaheedu ma ahan in dhibaataaasi na ilowsiiso taariihdeenna. Wax walba oo dhacay waan ka heshiinaynaa Ilaahay idinkiis.”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in wixii ka dambeeyey 26-kii Juun 1960-kii ay ummadda Soomaaliyeed u istaagtay inay qaadato kaalinteeda. “Wixii maalintaasi ka dambeeyay Soomaaliya waxay u istaagtay inay kaalinteed qaadato, halgankaas meel ayuu soo gaaray oo aan dhisanay calankaasi baluuga ah.”
Isagoo ka hadlayay madaxweynuhu midnimada ummadda Soomaaliyeed ayuu yiri. “Maanta waan ka fusrado badannahay maalintaas, waan ka aqoon badan-nahay, waan ka tiro badan-nahay, waana ka xoolo badan-nahay. Waxa naga haleysan waa siyaasadda, waana tooseysaa, midnimadiina waa soo laabnaneysaa, waliba si leh walaalnimo iyo is-jacayl ayay ku soo laabanaysaa.”
“Si gaar ah waxaan hambalyo u leenahay dadka ku nool magaalada Hargeysa oo ah halkii maalintaas laga taagay calanka Soomaaliyeed, waxaan lee yahay hambalyo… waxaan kaloo idin leeyahay Ramadan Kariim,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo hamblayo u dirayay shacabka Hargeysa ku nool.
Madaweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed oo dhan inay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga suraan calanka Soomaaliyeed maadaama lagu jiro maalmo qiimo leh oo lagu xusuusanayo xorriyadda Soomaaliya.
“Toddobaadkan waxaa la yiraahdaa toddobaadkii xorriyadda, waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed in calanka Soomaaliya ee quruxda badan ee leh midabka baluugga ah ee xidigta dhexda ku leh in guri kasta iyo goobaha kale oo ganacsi la suro, waxaan rabnaa inay ka muqato dalka isbuucii haybada, isbuucii sharafta,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa.
Ugu dambeyn, markii la gaaray 12:00 habeenimo ee xalay ayaa calanka buluugga ah ee Soomaaliyeed la taagay, iyadoo madaxweynaha iyo madaxdii dowladda ka soctay ay dhammaantood u istaageen calanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya