12/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 17, 2014
Taliyaha booliska Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga Talyaaniga+SAWIRRO


Talaado, June 17, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Talyaaniga, kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Wafdiga Jen. Saacid ayaa shir muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga, Jen. C. A. Leonardo Gallitelli. Shirkaasoo diiradda lagu saaray qodobbo badan oo aasaas u ah dib u soo celinta iyo xoojinta xiriirka labada ciidan oo ah mid muddo dheer soo jiray.

Labada dhinac ayaa kulankooda taariikhiga ah uga wada-hadlay arrimo ay ka mid tahay sidii Talyaaniga uu u taageeri lahaadib u dhiska iyo horumarinta ciidamada booliiska Soomaaliyeed kaasoo iminka ay ku socoto dardar xoogan oo dib loogu dhisayo.

Saraakiisha ayaa si gaar ah uga hadlay sidii Talyaaniga uu uga taageeri lahaa ciidamada booliiska Soomaaliyeed sida tababarrada, qalabeynta, gaadiidka, is-gaarsiinta iyo horumarinta farsamo ee ciidanka boliiska Soomaaliya ay xilligan u baahan yihiin. Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday sidii Talyaanigu uu uga qayb-qaadan lahaa dib u soo celinta ciidamadii daraawiishta Soomaaliya.

Taliska booliiska Talyaaniga ayaa balan-qaaday inay dib u soo celinayaan qabiiro la taliya ciidamada booliiska Soomaaliya, kuwaasoo dhinacyo kala duwan ka taageeri doona booliiska Soomaaliya, ayna la wadaagi doonaan khibradahooda.

Ugu dambeyn, Jen. Saacid ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa Talyaaniga iyo saraakiisha booliiska sida qiimaha leh oo ay isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen Talyaaniga, wuxuuna xusay inay arintani ka tarjumeyso xiriirka qotada dheer ee ciidamada booliiska labada dhinac ka dhexeyay astaanna u ah dib u curashada xiriirka labada dhinac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya