9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 5 , 2014
Maamulka Jubba oo soo Bandhigay ciidan ka Howlgeli doona Jubbada Hoose


Sabti, July 05, 2014 (HOL) — Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta soo bandhigay illaa 260 askari oo kusoo dhawaan tababar ciidammo garoonka Madhamaato ee duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweeynaha maamulka Jubba oo ka qeybgalay xaflad ay dhoolatus ku sameynayeen ciidamadan ayaa sheegay in askartani ay ka qeybqaadan doonaan howlgallo maalmaha soo socdo ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan deegaanada Jooraha loo yaqaan ee galbeedka gobolka J/hoose.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweeynaha ayaa sheegay in hadii ay Al-shabaab weerarradooda kusoo beegi jireen bisha Ramadaan ay imika iyagu bilaabayaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab bishan gudaheeda.

Ciidamadii tababarka loo soo xiray ayaa lagu wareejiyay, Tuute, hub iyo gaadiid nooca dagaalka, waxayna dhoolatus ku sameeyeen garoonka madhamaato iyo weliba gudaha magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya