1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 3 , 2014
Duqa Muqdisho oo markii ugu horreysay Maanta booqday Isbitaalka Digfeer


Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta booqasho ku tagay isbitaalka Digfeer oo ay hay’adaha Turkigu dhawaan dib u dhis iyo qalabeyn ku sameeyeen.

Muun-gaab oo booqashadiisan ay ahayd tii ugu horreysay oo uu ku tagay isbitaalkan tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa waxaa ku wehlinayay booqashada mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkigu ee Muqdisho.

Duqa Muqdisho iyo xubnaha la socday ayaa kusoo wareejiyay qaybaha kala duwan ee uu isbitaalku ka kooban yahay, wuxuuna guddoomiyuhu sheegay in dib u habeyn wanaagsan lagu sameeyay isbitaalka.

“Turkiga waxaan uga mahadcelinayaa qalabeynta iyo dib u dhiska aadka u wanaagsan ee ay isbitaalkan ku sameeyeen, shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduna ma illoobi doonaan abaalka ay dowladda Turkigu u gashay,” ayuu yiri Muun-gaab oo warbaahinta la hadlay.

Isbitaalka digfeer oo burbursanaa tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo dib u dhis iyo qalabeyn caynkan ah lagu sameeyay, wuxuuna noqonayaa isbitaallada ugu casirsan dalalka Bariga Afrika.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in isbitaalka la furo, iyadoo dhakhaatiir Turki iyo Soomaali ah ay ka howlgeli doonaan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ka socotay xukuumadda Turkiga ee casriyeynta ku sameeyay isbitaalkan.

Maamulka isbitaalka ayaa waxaa shanta sano ee socota gacanta ku hayn doonta dowladda Turkiga, iyadoo markaas kaddib lagu wareejin doono xukuumadda Somalia si ay howlihiisa u sii waddo.

Isbitaalkan ayaa la dhisay intii aysan Somalia xoorriyadda qaadan, wuxuuna ahaa isbitaalka ugu weyn ugu casrisan Soomaaliya, iyadoo dib u habeynta lagu sameeyay ay wax badan ka bedeshay muuqaalkii uu lahaa intii dalku colaadaha ku jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya