Hoteel iyo Maqaayad Casri ah oo laga furey Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho laga furey hoteel casri ah oo lagu magacaabo Hotel Sayid oo leh maqaayadda Khana Khazana oo ka mid ah kuwa sida aadka ah looga yaqaan caalamka. waxaana hoteelkan aad ka heleysaa hurdo raaxo leh iyo jiif macaan.
Sidoo kale, hoteelku wuxuu leeyahay hool weyn oo markiiba qaadi kara 1,000 qof oo weliba loo diyaariyay wixii tashiilaad ah ee ay u baahan yihiin shacabka, sidoo kalena wuxuu leeyahay barxad weyn oo aad ku nasan karto, isla markan aad wax ku dalban karto.
Waxaad kaloo hoteelkan ka helaysaa biyo macaan oo nadiif ah oo aad ku qubeysan karto iyagoo leh kuleyl iyo qabow. Sidoo kale, waxaa hoteelka uu kuu diyaariyay qolal jiif ah oo keli-keli iyo lamaanaba leh, waxaana halkaa iyana kuugu diyaar ah shaqaale si wanaagsan aqoon ugu leh soo dhaweynta, waxaa kaloo aad hoteelka ka heleysaa hoolal yar-yar oo aad ku qabsan karto tababbarrada iyo shirarka gaarka ah.
Hotel Sayid waxaa ku lammaansan maqaayadda sida weyn looga yaqano caalamka ee Khana Khazana. Waana maqaayad caalami ah oo aad ka heleyso 176 cunno oo kala duwan; sidoo kale cuntadaas waxay isugu jirtaa kuwa loogu talo-galay dadka qaba dhiig-karka iyo kuwa qaba sonkorta, iyadoo cuntada ay diyaariyeen dad si aad ah ugu takhasusay karin cunnooyinka kala duwan.
Dhanka kale, hotel Sayid oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda taallada caanka ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu haystaa waddada Maka Al-Mukarama iyo waddada ka daadegta taallada Sayidka ee aadda degmada howl-wadaag.
Mar aan wareysannay maamulaha hotelka wuxuu sheegey in hotelka uu yahay mid qiimo jaban, sidoo kale cuntada laga helo maqaayada Khana Khazana ay tahay mid qiimaheeda uu jaban yahay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya