Hiiraan Online
12/20/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, July 24, 2014
Mid ka mid ah beelaha Jubooyinka oo ku baaqay joojinta colaada Caabudwaaq
Khamiis, July 24, 2014 (HOL) :- Mid kamid ah odoyaasha beelaha dega Jubooyinka oo kulan ku yeeshay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa si kulul u cambaareeyay colaadaha ka aloosan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kuwaasoo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega.
Odoyaashan oo kasoo jeeda Beesha Sade oo kamid ah beelaha dega Jubooyinka ayaa ugu baaqay beelaha ay dirirtu u dhexeeyso in ay si shuruud la'aan ah ku joojiyaan dagaallada, iyagoo tacsi u diray dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dagaalladaasi.
Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ka codsaday beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Cabudwaaq in ay si shuruud la'aan ah ku joojiyaan xabadda.
"Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, waxaan ugu baaqeeynaa beelaha walaalaha ah ee Cabudwaaq ku dagaalamay in ay si shuruud la'aan ah ku joojiyaan dagaalka, bil Ramadaan ayaa lagu jiraa, xabada hala joojiyo," ayuu yiri Nabadoon Cabdi Warsame.
Sidoo kale Nabadoon Cali Diirshe Danan oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay beelahaasi in ay nabadda qaataan islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan waxyaalaha u dhexeeya.
Dhamaan odoyaashii iyo waxgaradkii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dagaallada dhawaan degmada Cabudwaaq ku dhexmaray beelaha walaalaha ah ee wada dega halkaasi, iyagoo sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay dagaalladaasi.
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay baaqyo kala duwan oo loo dirayay beelo dhawaan ay dagaallo ku dhexmareen gudaha degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka ku dhaqan degmadaasi oo loogu kala dabqaadayo beelahaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.