5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 21, 2014
Senator Al Franken oo afur u sameeyay Jaaliyadda Bariga Afrika ee Minnesota


Isniin, July 21, 2014 (HOL) — Xildhibaan Al Franken oo laga doorto Minnesota ayaa kulan afur ah u sameeyay xubanaha Jaaliyaadda Minnesota ee kasoo jeeda dalalka Bariga Afrika, sida xubnaha culummaa’uddiinka, Aqoonyahannada, xubnaha u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada (Community Activist), dhallinyaradda iyo haweenka.

Cismaan Axmed oo ka mid ah xubnaha ka howlgalay xafiiska doorashada Senator Al Franken ayaa hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay kulanka, isagoo u mahad-celiyay dhammaan intii kasoo qayb-gashay afurka, intaa kaddib wuxuu si aad ah uga sheekeeyay sanadahii uu xilka hayay xildhibaan Al Franken waxyaabaha dadkeenna uu uqabtay intii ay jirtay abaartii sannadkii 2011-kii ku dhufatay Soomaaliya.

Wuxuu xusay in markii gargaarka Somaaliya la geeyo uu yiri mareykanku wuxuu gacanta u galayaa Al-shabaab uu is toos ugala hadlay wasiirkii xilligaa ee arrimaha dibadda Mareyknaka, Henry Clinton uuna ka dalbaday in la caawiyo dadka waana la geeyay gargaarkii loogu talo-galay, wuxuuna illaa hadda ka shaqeeyaan mudanuhu sidii loo baasin lahaa sharciga xawaalaadaha oo ku dhow inay xirmaan waana waxa ugu horreeya ee miiska u saaran.

Sheekh C/risaaq Xaashi oo ka mida imaamyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa waxuu ka hadlay qiimaha ay midnimaddu ku leedahay ummadda, sidoo kale wadaadku wuxuu sheekeeyay macnaha iyo qiimaha bishan Ramadaan ay leedahay, waxuuna xusay inay farxad u tahay in intaan oo culummo ah ay meel ku-wada afuraan.

Xildhibaan Al Franken oo isaguna la hadlay dadweynihii kulanka kasoo qayb-galay ayaa uga warramay waxqabadkiisa, waxyaalaha uu damacsan yahay haddii mar kale ay dadka Minnesota dib u doortaan lixda sano ee soo  socota iyo inuu abuuri doono shaqooyin, waxna ka qaban doono waxbarashadda.

“Haddii dib la ii soo doorto, waxaan u ololeyn doonaa waxbarashadda sida marka iskuullada laga baxo ay dhallinyaradu u heli lahaayeen waxbarasho sare iyo shaqo, waxaan xoogga saarayaa toddobaadyada inaan kala hadlo madaxwaynaha in la ogolaado sharciga xawaaladaha si loo helo bangiyo la shaqeeya, taasoo aan ogahay muhiimaddeeda,” ayuu yiri Senator Al Franken.

Sidoo kale, Al Franken ayaa dadkii kasoo qayb-galay kulanka afurka ah waxay weydiiyeen su’aalo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qaban doono haddii dib loo doorto, inuu booqan doono Soomaaliya iyo in kale, maxaad u qabanaysaa dadka aan cadaanka ahayn iyo su’aalo lagu dheeraaday oo ku saabsan xaaladda Falastiin iyo Israa’iil.

Senator Al Franken ayaa 2008-dii ka guulaystay Senator Colmen oo saaxiib dhow la ahaa Soomaalida, isagoo galay doorashadii labaad, waaana sababta wuu Afurka ugu sameeyay jaaliyadda kasoo jeeda Bariga Afrika si uu ug helo codka doorashada.

Siyaad Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA