10/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 19, 2014
Bisha Cas ee Imaaraadka oo Afur gaarsiisay dad ku nool degmada Shangaani


Sabti, July 19, 2014 (HOL) — Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa galabta raashin bisil oo isugu jiray afur iyo casho gaarsiiyay qoysas ku nool degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Shangaani, Siciid Cabdulqaadir Siciid ayaa uga mahadceliyay Bisha Cas ee Imaaradka Carabta raashinkan bisil oo ay u qaybisay maalintii labaad qoysaska ku nool degmada Shingaani si ay uga dhigtaan afur iyo casho, iyadoo gargaarkan uu ka yimid madaxwaynaha dowladda Isu-tagga Imaarada Carabta, Sheekh Khalifa Bin Zayid Al-Nahyan.

Qoysaskan maanta la guddoonsiiyay raashinkan bisil ayaa iskugu jira dan-yar ah iyo kuwa barakacaal ah; dadkn ayaa waxay tiradoodu gaaraysay 500 oo qays.

Nadiifo Cabdi oo ka mid ahayd dadka galabta loo qaybiyay raashinka bisil oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay si wayn uga mahad-celinayso gargaarka uga yimid dowladda Imaaraadka Carabt,waxayna dhanka kale tilmaamtay inay jirtay baahi aad u weyn oo xiliigan ay u qabeen gargaar noocan oo kale ah.

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa bishan Ramadaan ka billowday qaybo ka mida degmooyinka gobolka Banaadir bixinta gargaar raashin ah si dadka aan awoodin inay helaan afur iyo casho.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ee gargaarka maanta qaybiyay ayaa sheegay inay sii socon doonaan gargarka illaa maalmaha ka harsan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya