4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Isbitaalka Baydhabo oo qalab kala duwan loogu deeqay (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa markii ugu horreysay qalab kala duwan ugu deeqday isbitaalka Baydhabo, qalabka ayaa waxaa ka mid ahaa martoorrada dabka dhaliya, raajo iyo qalab kale oo dayactirka matoorrada.

Mas’uuliyiinta Isbitaalka ayaa shirkadda Hormuud ka gudoomay qalabka ay ugu deeqday, waxaana goobjoog ka ahaa wareejinta qalabka madaxa xafiiska shirkadda ee Baydhabo, Sheekh Aadan Xuseen, iyadoo sidoo kale uu goobta joogeen guddiga ganacsatada Koonfur-galbeed oo uu horkacayay, Axmed Macallin iyo ganacsade Cali Marguus.

Hadallo ay mas’uuliyiintan ka jeediyeen goobta ayay uga mahad-celiyeen shirkadda Hormuud taakuleynta ay isbitaalka Baydhabo ku taakuleysay qalabka kala duwan, kaasoo ay xuseen inuu wax-tar weyn u leeyahay howlaha isbitaalka Baydhabo.

Shaqaalaha caafimaadka gobolka Bay ayaa iyaguna goobjoog ka ahaa halka lagu wareejiyay qalabka, iyagoo shirkadda Hormuud ka codsaday inay sii laba-laabto wax u qabashada gobalka.

“Taakuleyntan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo shirkaddu ay ku guddoonsiiso qalab isbitaalka guud ee Baydhabo,” hadalkan waxaa goobta ka sheegtay Faadumo Yareey oo ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee gobolka Bay. Iyadoo sidoo kale sheegtay in shirkadda Hormuud Baydhabo ay la tartamaan shirkado kale, balse ay iyadu ku guuleysatay inay markii ugu horreysay gacan siiso isbitaalka.

Ugu dambeyn, kalkaalisadu waxay sheegtay in shirkaddu ay shacabka ay ka dhowrayaan inay u qabato howlo kale oo fara badan, sida sameynta jidadka laamiga ah, ceelal iyo horumarinta waxbarashada.



Hiiraan Online, Baydhabo