Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo Maanta Heshiis Gaaray

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa heshiis ku gaaray maamul-goboleedyada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, kaddib shir maalmo uga socday koonfurta Gaalkacyo.

Shirka labada dhinac waxaa goob-joog ka ahaa muddadii uu socday madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo odayaal-dhaqameed kasoo jeeda labada maamul.

Ujeeddada shirka ayaa lugu sheegay sidii labada maamul u midoobi lahaayeen, ayna isugu ururaan hal maamul-goboleed.

Shirkaan ayaa xilligii uu soo dhammaaday waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11-qodobb, waxaana saxaafadda u akhriyay wasiirka khayaraadka Badda Galmudug, C/qaadir Cali Jaamac (Qalab-xoor).

Qodobbada ay labada maamul ku heshiiyen waxaa ugu muhiimsanaa:

1. In sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo maamul u sameynta gobollada dhexe, gogosha maamulka lagu dhisayana  la dhigo deegaannada uu maamulka Ximin iyo Xeeb ka taliyo.

2. In si dhab ah loo billaabo dib-u-heshiisiin la dhex-dhigayo shacabka labada maamul, lana adeegsado qaybaha kala duwan ee bulshada iyo warbaahinta.

3. In la abuuro jawi nabadeed, isla markaana xiriir nabadgeliyo ay la sameystaan maamullada iyo dowladaha dariska ah, si dambiilaha uusan u helin meel uu ku gambado.

4. Inay xaqooda weydiistaan dowladda dhexe oo ay ku jirto taakuleynta hay’adaha amniga, arrimaha bulshada iyo horumarinta.

5. In la abuuro is-dhexgal labada bulshada sida ganacsiga, cayaaraha, dhaqanka iyo ururada haweenka.

Inataas kaddib waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur iyo madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Baarleex.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur ayaa sheegay in wax lagu farxa ay tahay in madaxda Ximan iyo Xeeb ay Gaalkacyo yimaadaan isla markaa ay kawada shiraan aayaha labada maamul oo ka tashanaya sidii ay u midoobi lahaayeen.

Cabdisamad Nuur, wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday in shirku uusan inta ku ekaan; isla markaana ay jiri doonan shirar badan oo ay isku arkaan madaxda sare ee labada maamul-goboleed.

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Baarleex ayaa isna dhankiisa sheegay in heshiiska labada dhinac uu yahay mid farxadeed, ayna soo dhaweynayaan dhinacooda, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay taageeraan heshiika uu ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah.

Heshiiska labada maamul ee dariska ah wauxuu noqonaya kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u gaaran,waxaana tallaabada ay madaxda labada maamul qaadeen soo dhaweeyay shacabka iyo mas'uuliyinta labada dhinac.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya






Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo taliska ciidamada AMISOM ayaa siyaabo kala gooni-gooni ah uga hadlay qalalaasihii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) —Iyadoo labo maalmood oo qura laga joogo xilligii uu madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas soo magacaabay golihisa cusub ee wasiirrada, ayaa waxaa soo badanaya cabashooyinka ka imaanaya qabaa’ilka iyo dhaliilaha loo jeedinayo qaabka uu madaxweynuhu u qaybiyey xubnaha golaha wasiirrada.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka tacsiyeeyay geerida Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ka mid ahaa odayaashii Puntland wax ka dhisay, xilal kala duwanna kasoo qabtay Soomaaliya.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Maxkamadda Hargeysa, ayaa hay’adda UNICEF ku xukuntay inay magdhow siiso shaqaale u shaqayn jiray oo dacwad ka dhan ah hay’adaasi u gudbiyey maxkamadda.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur-Gabeedka Soomaaliya ee ka socday Baydhabo ayaa waxaa maanta is-hortaag ku sameeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, taasoo keentay bannaanbaxyo ay dhigeen shacabka ku nool Baydhabo.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay shirka madaxda Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubooyinka ee magaciisa loo soo gaabiyo JIJA ayaa xaflad isugu jirtay isbarasho iyo soo dhaweyn u sameeyay wasiirka cusub ee warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane Ibraahim Xassan Cabdi.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka Somalia ayaa ka bilaawday magaalada Beledweyne ra'yi ururin ku saabsan bahida dhabta ah ee ka jirta gobolka ee u baahan wax ka qabashada iyo sidda ay u kala muhiimsan yihiin oo ay tahay in loo kala hormariyo, iyadoo laga faa'ideysanayo [Mashruuca adeegga maal-gallinta gaarka ah] oo ay waddo wasaarrada maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Buuhoodle ayaa maanta xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay golaha deegaanka ku eedeeyeen inay xad-gudub ku sameeyeen saxaafadda deegaankaas ka hawlgasha.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa sheegay inay dhameystireen dhismaha isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, kaddib markii ay sannadkii hore billaabeen dib u dhisaan isbitaalkaas oo burbur xooggan uu ka muuqday.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Colaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya ayaa 42,000 oo Somali ah ku qasbay inay nabadgalyo ka raadsadaan dariska ah iyo dalal kale intii lagu jiray sannadkii hore ee 2013-ka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Wasiiradii hore ee wasaaradda horuarminta adeegga bulshada xukuumaddii hore, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka dalbatay cafis caruurta Soomaaliyeed maadaama ay sheegtay inay fulin karin ballan-qaadkii ay caruurta horay uga qaadday, taasoo ahayd inay hal milyan oo caruur Soomaaliyeed ah u dirayso iskuullada.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa ka baxay ciidammo ka tirsan AMISOM oo isugu jiray Burundi iyo Uganda, kuwaasoo muddo sannado ah howlgallo nabad ilaalin ah u joogay gobolka Bay.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Kooxo madow oo Koonfur Afrikaan ah ayaa dil iyo dhaawac ugu geystay dalkaas ganacsato Soomaaliyeed, iyagoo dilay mid ka mid ah saddex ganacsato ah oo isla socday, halka laba kalena ay dhaawaceen.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo tan iyo bishii June ee sannadkii hore u xirnaa dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay laga saaray xabsigii uu ku xirnaa, iyadoo loo bedelay xarigiisa xabsi guri ah.

Somali News

1/30/2014 11:16 PM EST
Maamulaha Guud ee Somali Health Solutions Asli aden Ashkir ayaa reer Minnesota ugu yeereysa inay ka fa’ideestaan suuqa MNsure oo u suuragelineysa in ay dad badan (Shaqsiyaadka iyo qoysasba ) ay dhici karto inay helaan ceymis caafimaad oo lacag al'aan ah ama ay ku helaan ceymis caafimaad qiime jaban, xitaa haddii ay jirto xaalad hore oo caafimaad darro ah.

1/30/2014 3:55 PM EST
The United Nations is concerned over food insecurity in Somalia, saying the impoverished African nation is likely to suffer from below-average harvest this year, Press TV reports.

1/30/2014 12:50 PM EST
Wareysi Xiisa leh: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Waran

1/30/2014 10:37 AM EST
TWO Somalis at the centre of grave allegations against the Australian navy in recent turn-back operations admit their burns were sustained during clashes with the sailors, who in one case had been forced to prevent asylum-seekers scuttling their boat.

1/30/2014 10:25 AM EST
Mombasa, Kenya : A special squad of anti-terror police officers flown in from Nairobi and Mombasa have killed the man believed to have masterminded Tuesday’s murder of a former police reservist, Ahmed Abdalla Bakhswein.

1/30/2014 2:39 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Somalia's president said he wanted the U.N. Security Council to extend a partial lifting of an arms embargo beyond March when the exemption is due to end because Somali troops need more and better equipment to battle al Qaeda-aligned insurgents.

1/30/2014 2:19 AM EST
Nine suspects including a police officer and an employee of an airline involved in fake passport and visa cartels were arrested Wednesday night at the Jomo Kenyatta International Airport.

1/30/2014 1:51 AM EST
MINNEAPOLIS (WCCO) — A 23-year-old Minneapolis man is in custody after severely assaulting an 18-month-old child and a woman last week, according to Minneapolis Police.

1/30/2014 1:42 AM EST
Djibouti, a small nation on the eastern coast of Africa, has announced ambitious plans concerning clean energy. Like other African countries, Djibouti has taken a strong interest in clean power because of the economic stability is represents.

1/30/2014 1:36 AM EST
More than 50 women from the Somali community took to the streets outside Harrow Civic Centre to protest against an adoption decision they say goes against their religious beliefs.

1/30/2014 1:22 AM EST
RESIDENTS of of Kismayo in Somalia yesterday demonstrated against the relocation of Kenya Defence Force troops from the city.
Click here