Wariyeyaal fara badan oo Maanta lagu xirxiray Magaalada Buuhoodle
Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Buuhoodle ayaa maanta xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay golaha deegaanka ku eedeeyeen inay xad-gudub ku sameeyeen saxaafadda deegaankaas ka hawlgasha.
Xariggan ayaa yimid kaddib markii maalinimadii shalay ay warsaxaafadeed ay ku cambaaraynayaan golaha deegaanka degmada Buuhoodle ku qabteen xarunta idaacadda Daljir.
Suxufiyiinta ayaa kulankaas kasoo saaray qodobbo ay ka mid ahaayeen:
1. Golaha deegaanku wuxuu si cad ugu xad-gudbay shuruucda saxaafadda iyo midda qiimeynta.
2. Warbaahinta gobolka Cayn waxay yaqiinsadeen in qiimayntaasi ahayd mid lagu furfurayo laguna kala qaybinayo saxaafadda deegaanka.
3. Qiimaynta golaha deegaanku waxay si cad u baalmareen madax-baannaanida iyo xoriyadda saxaafadda.
4. Golaha deegaanku malaha awood ay qiimayn ku sameeyaan mana jiro sharci u ogolaanaya qiimeyn saxaafadeed.
Suxufiyiinta la xiray ayaa sida mas’uuliyiin Buuhoodle ku sugani sheegeen inay ka mid yihiin agaasimha idaacadda Daljir, Khadar Cawl Ismaaciil, sidoo kalena wakiil u ah Royal TV, Cali Cismaan Yuusuf (Cali Dhag-jar) wakiilka Somali Channel TV ee Buuhoodle, Axmed Maxamed Nadiif Radio Daljir iyo Kalsan TV Buuhoodle iyo laba wariye oo kale.
Golaha deegaanka Buuhoodle ayaa dhowaantan soo saaray warbixin ay ku sheegeen inay ku qiimeeyeen saxaafadda ka hawlgasha Buuhoodle, waxayna u kala saareen A, B, C iyo D taasoo keentay kacdoon kaga yimaada dhinaca saxaafadda.
Ma cadda sida ay tani ku dhamaanayso waxaase cad in wadahadal lagu soo af-jari doono arrintan uu socdo maadaama ay tahay markii u horreysay ee suxufi xoriyadda lagaga qaado magaalada Buuhoodle, waxaa kaloo qasbaya saldhig iyo jeel toona malaha Buuhoodle aan ka ahayn kuwa la dhismo ku socdo booliskuna waxay si KMG ah u deggen yihiin guri aanay iska difaaci karin kacdoon sii socda oo dhalin kara gacan ka hadal.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool