Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ku casuntay dowladda Iiraan inay
kasoo qayb gasho shirka Geneva II, shirkaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka
-ay dagaallada sokeeye ka soconayaan- ee
Suuriya iyo weliba sidii dalkaas dowlad kumeel gaar ah loogu sameyn lahaa.
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa
sheegay inuu casumaad u fidiyey Iiraan, islamarkaana wasiirka arrimaha dibadda
ee Iiraan Javad Zarif uu xaqiijiyey in Iiraan ay codsiga Qarmada
Midoobay aqbashay.
Mucaaradka Suuriya ayaa sheki geliyey
ka qayb galkooda shirka Geneva II, iyagoo u sababeeyey casumaadda Ban Ki-Moon
uu u fidiyey xukuumadda Dahraan.
Mas’uuliyiin u hadlay mucaaradka
Suuriya ayaa sheegay in Iiraan aysan xaq u lahayn inay kasoo qayb gasho shirka
labo maalmood kaddib furmaya, ilaa iyo inta ay la baxayso dagaal-yahannada iyo
khuburada ka joogta Suuriya, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaa
iyaduna ugu baaqday Qaramada Midoobay inay go’aankan ka laabato, tan iyo inta
Iiraan ay si cad uu qeexeyso mowqifkeeda ku aaddan shirka Geneva II.
Haweenayda Af-hayeenka u ah wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Jen Psaki ayaa lagama maarmaan ku tilmaantay in si cad loo ogaado qorshaha Iiraan ee shirka, taas iyadoo ka hadlaysay waxay tiri:
"Tani waa mid Iiraan aanay horay u samaynin, waana arrin loo baahnaa hadda kahor inay dhacdo...haddii Iiraan aysan cod dheer ku sheegin inay aqbashay go'aammadii shirka Geneve I waa in laga laabto casumaadda loo fidiyey..."
Iiraan oo xulufo la ah maamulka
Bashaar Al-asad ee Suuriya, kama qayb gelin shirkii Geneva I ee dhacay sanadkii
2012.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya