Dadaallo lagu Joojinayo Colaado ka taagan Gobolka Sool (SAWIRRO)

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya dhinacyo ay dagaallo ku dhexmareen deegaanka Docolaha ayaa waxay ku dhow yihiin in guul laga gaaro, sidaa waxaa sheegay wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde xilli uu ku sugnaa tuulada Guumeys oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood.
Waran-cadde wuxuu sheegay isagoo ka war-bixinayay maalmihii ay joogeen inay u kala dab-qaadayeen labad dhinac; isla markaana ay labada dhinacba diyaar u yihiin soo af-jaridda colaadda dadka walaalaha ah dhex-taalla, isagoo xusay inay suurogal tahay maanta la isku keeno.
Sidoo kale, wasiirka oo ay wehliyeen qaar ka mid ah golaha xukuumadda, madax-dhaqameed, wax-garad iyo ururrada bulshada gobolka Sool ayaa gaarey maalin kaddib dagaal laba beel ku dhex-maray deegaanka Doclaha oo Waqooyiga gobolka Sool ku yaalla.
Labada dhinacba waxay ku dadaalayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen malleeshiyaadka qamaamaya; iyadoo ciidan kumannaan gaarayaan ay kala dhex-joogaan haddana weli waxay dul saaran tahay nabad mid afkeed oo goor kasta waa jabi kartaa; iyadoo ay sida ay HOL u sheegayaan qaar ka mid ah deegaanka inay mar walba colaadu dib u qarxi karto.
Dad badan ayaa naawilaaya in xaaladda colaadeed oo sal-fatay shan ruux mar uun la soo af-jaro; waxaana la eegayaa gurmadka xoogga badan ee maamul iyo wax-garadba ay kusoo geeyeen deegaannadaas.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
seynab@hiiraan.com
Laascaanood, Gobolka Sool