4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
NUSOJ oo ka Hadashay Caburin lagu hayo Suxufiyiinta Gobolka Bay

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Ururka Qaran ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay falkii xarigga ahaa lagu kala kacay wariyihii idaacadda Kulmiye ee magaalada Baydhabo Khamiista la soo dhaafay ee shalay, wariyahaas oo xirnaa muddo sideed saacadood ah iyadoo la sii daayay xalay fiidkii.

Booliiska magaalada Baydhabo ayaa xarunta ADC horteeda shalay ka qabtay weriye, Cabdi Nuur Mayow, kaddib markii uu wareysiyo ka qaaday odayaal iyo siyaasiyiin hortaagnaa xarunta ADC ee uu ka socdo shirka lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Todobaadyadii ugu dambeeyay xarunta ADC ayaa waxaa ka jiray kala fikir-duwanaasho soo dhexgalay odayaasha halkaas uu shirku uga socdo, iyadoo odayaasha qaarkood ay soo jeediyeen in la dhiso maamul goboleed ay ku mideysan yihiin lix gobol, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in la dhiso maamul ay ku mideysan yihiin saddex gobol oo keliya.

Suxufiyiinta gobolka Bay ayaa waxay tabinta wararka ku saabsan kala fikir-duwanaasha soo dhexgalay odayaasha ay kala kulmeen handadaayo iyo xarig; iyagoo kooxiba ay ku qasabto suxufiyiinta inay aragtidooda faafiyaan.

NUSOJ ayaa warsxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wariye Muxudiin Xusni oo u warrama Universal TV uu u sheegay in arrintan ay khatar weyn gelineyso amniga suxufiyiinta, isagoo xusay inay koox walba ku qasbayso in ay faafiyaan aragtidooda.

“Aniga xitaa waxaa la igu xiray war noocaas ah toddobaadkii tagay, anigoo la iigu hanjabay inaanan aragti noocaas aanan tabin karin,” ayuu NUSOJ u sheegay wariyahan.

Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaaeeyay tacadiyadaas foosha xun ee ku dhacaya suxufiyiinta, isla markaan ku baaqay in la joojiyo in wariyeeyaasha gobolkaas ka howlgala lagu qasbo inay faafiyaan warar aan dhex-dhexaadnimada ku saleysnayn.

“Suxufiyiinta waa in loo ogolaadaa in ay si xor ah u tabiyaan wararka saxda ah ee ku dhisan xaqiiqada, loona ogolaado inay si xoriyadu ay ku jirto uga shaqeeyaan gobolka oo dhan,” ayuu xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Bakistaan ku sheegay warsaxaafadeedka uu ururku soo saaray.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda laba shir oo iska soo horjeeda oo lagu doonayo in lagu dhiso maamul goboleedyo kala duwan, waxaana ka jira Baydhabo kala aragti duwanaasho u dhexeysa waxgaradka magaaladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya