4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Kenya oo sheegtay inay dishay Saraakiil Ururka Al-shabaab ka tirsan

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay inay 30 qof oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan ku dileen weerar duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen deegaan ku dhow degmada Gabahaarey ee gobolka Gedo.

Warkan ayay Kenya ku sheegtay inay xubnaha ay dileen ay ku jiraan xubno saraakiil sare ah, kaddib markii ay diyaaradahooda dagaalka ay weerar circa ah ku qaadeen deegaan 20-km u jira Garbahaarey oo lagu magacaabo Birta-dheer.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in dad shacab ah ay duqeyntaas waxyeello kasoo gaartay, inkastoo aan la sheegin tiradooda, waxaana ay Kenya sheegtay in xilliga uu weerarku dhacayaya ay deegaankaas shir ku lahaayeen xubno sarsare oo Al-shabaab ka tirsan.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ay Kenya ay sheegtay inay ku dileen xubno ka tirsan xoogaggooda oo ay saraakiil ku jirto, balse xubno ka tirsan mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu dhacay.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ay ku sugan yihiin deegaanno ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay 2013 lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof oo shacab u badan.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya deegaannada ku yaalla xadka ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan lagu afduubay lix qof, kuwaasoo mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ay sheegeen inay rumeysan yihiin inay Al-shabaab afduubtay dadkaas.

Kenya ayaa waxay bishii Oktoobar ee sannadkii hore sheegtay inay duqeyn ay ku qaadday saldhig ku yaalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay ay ku dileen 300 oo xoogag Al-shabaab ka tirsan ah oo halkaas tababar ku qaadanayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya