4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Biixi oo la Kulmay Madaxweynihii Hore ee Dalka Nigeria (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Wafdiga maamulka Somaliland uga qayb-galaya wada hadallada ay la yeelanayaan dowladda Soomaaliya  oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusẹgun Obasanjo, iyagoo ka wada hadlay arimo dhowr ah.

Madaxda la kulantay Obasanjo waxaa horkacayay wasiirka arimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ,waxaana ku wehlinayay wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ,waana mid kamid ah kulamada ay masuuliyintan la yeelanayaan madax sare-sare oo ku sugan magaalada Addis Ababa.

“Wafdiga waxey sharaxaad siiyeen madaxweynihii hore ee Nigeria, in badan ayaana uga warannay   heerka dowladnimo iyo dhismaha dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu sheegay war uu soo saaray wasiirka arimaha dibadda Somaliland kulanka kaddib.

Sidoo kale war-saxaafeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynihi hore ee Nigeraa uu ku ammaanay kaalinta Somaliland ay ku leedahay nabadda geeska Afrika ,balse lama xusin in ay ka wada hadleen arimaha Soomaaliya iyo sida khilaafaadka labada dhinac lagu xalin karo.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in wafdigan ay ka dhoofaan magaalada Addis Ababa,iyaga oo tagi doona dalka Turkiga oo ah goobta ay ku kulmayaan madax ka socota dowladda Somaliya si looga wada hadlo arimo ku saabsan in madaxda Somaliland ay ka tanaasulaan go'aankooda ah in Somaliya inteeda kale ay ka go'aan.

Obsango madaxweynihi hore ee Nigeria ayaa wafdiga uu la kulmay u sheegay in uu ku faraxsanahay horumarka uu ku tallaabsaday maamulka Somaliland,isla markaana ugu baaqay in caqabaha qaar ee ka jira maamulkaas si taxadar leh looga gudbo.

Ugu danbayn, wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay madax kala duwan oo beesha caalamka ah ,waxaana inta badan la sheegay in ay kala hadleen arimaha Somaliland iyo sida ay aqoonsi uga heli karaan dowladaha adduunka.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]