Shilal sababay khasaare Nafeed oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo KM-13
Sabti, December 27, 2014 (HOL) — Shilal baabuur oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho iyo Say-biyaano ee gudaha Muqdisho ku taalla ayaa sababay dhimashada ugu yaraan saddex qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 15-qof oo kale.
Dhaawacyadii ka dhashay shilalkan ayaa la dhigay isbitaalka Madiina halkaas oo ay ku geeriyoodeen saddexda qof ee dhintay, waxaana la sheegayaa inay dhaawacyada qaarkood xaaladdoodu aad u daran tahay.
Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Madiina ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay 18-qof oo dhaawacyo ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay dhaawacyadii soo gaaray oo aad u cuslaa awgood u geeriyoodeen.
Shilaka noocan ah ayaa intooda badan ka dhaca Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaan loo aaneeyaa xirfada darawallada oo aad u liidata iyo gaadiidka oo ku socda waddooyin bur-bursan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo shilal gaadiid oo khasaare badan geysta ay ka dhacaan caasimadda Somalia, iyadoo sannadkan sidoo kale uu shil baabuur oo sababay khasaare nafeed oo fara badan uu ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee Muqdisho.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya