1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 19, 2014
Afar Qof oo lagu dilay Dagaal Soomaali iyo Masay ku dhex-maray dalka Kenya


Jimco, December 19, 2014 (HOL) — Ugu yaraan afar ruux ayaa geeriyootay tiro kalena way dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray gobolka Kinango oo ku yaalla xeebaha Kenya xoolo-dhaqato Soomaali iyo Masay ah.

Guddoomiyaha deegaanka Kwale, Evans Achoki ayaa sheegay in Soomaalida iyo Masaydu ay isku haystaan dhul-daaqsimeed deegaanka ku yaalla, taasoo keentay in lagu dilo dagaal dhexmaray laba Masay ah iyo laba Soomaali ah.

“Afarta qof waxaa lagu dilay baangado,” ayuu yiri Achoki oo warbaahinta la hadlayay. isagoo intaas ku daray in colaadda labadan bulsho ay xudunteedu tahay deegaanka muran ku dhashay oo barwaaqo ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanka la geeyay ciidammo fara badan si ay xasilloonida u soo celiyaan. Wuxuuna intaas ku daray inay jirto baqdin laga qabo inuu dhaco aargoosi dhexmara bulshooyinkan wada dega dhulka ay isku haystaan.

“Waxaan wadnaa baaritaan ku saabsan sida dagaalku ku dhacay,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray Achoki, oo sii raaciyay. “Beelahan waxaan u dirnay codsi ah inay xaaladda dajiyaan oo ay nabadda iyo wada-noolaashahooda ka shaqeeyaan, khilaafkana si nabad ah lagu dhameeyo.”

Achoki wuxuu sheegay in xukuumaddu ay qabanayso kulan la isugu keenayo cuqaashada labada beelood, si ay u wada-hadlaan una xalliyaan colaaddii dhexmartay iyo wixii sabab u ahaa.

Deegaannada xeebta dalka Kenya ku yaalla ayaa waxaa wada-daga beelo kala duwan oo Kenyan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Somalida iyo Masayda, iyadoo aanay jirin horay dagaallo u dhexmaray labadan bulsho.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta deegaanka ay dagaalladu ka dhaceen ayaa warbaahinta u sheegay in xalaaddu ay hadda tahay mid deggen laguna dadaali doono sidii loo sii adkeyn lahaa nabadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya