Hay’adda Hormuud Foundation oo deeq dawo ah gaarsiisay Dadkii Sumoobay
Talaado, December 16, 2014 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah dadkii ku sumoobay biyo ay ka cabeen ceel ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, Cumar Salaad Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqda dawada ah ay ugu talo-galeen in qaar ka mid ah bukaannadii biyaha sumeysan cabay lagu daweeyo, isagoo ku daray in saddex booyadood oo biyo nadiif ah ay gaarsiiya dhammaan guryaha ku yaal xaafadda degmada Juungal ee degmada Yaaqshiid oo ahayd halkii ay ku cabeen dadkan biyaha sumeysan.
“Deeqdan dawada ah ma ahan tii ugu horreysay ama tii ugu dambeysay ee aan ugu talo-galnay bukaannada, waana sii wadaynaa,” ayuu Cumar Salaad ku daray hadalkiisa.
Madaxa caafimaadka isbitaalka Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Xasan Cali oo isauna la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dawadan ay kusoo beegantay xilli ay u baahanyeen, ayna uga mahadceliyaan mas’uuliyiinta Hormuud Foundation.
Ugu dambeyn, Dr. C/risaaq ayaa sheegay in qaar ka mid ah bukaannadii uu dhawaan lasoo gaarsiiyay isbitaalka ee biyaha sumeysan cabay ay hadda si wanaagsan u soo hagaagayso xaaladdooda caafimaad; welina qaarkood lagu dabiibayo isbitaalka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya